DEG DEG : Rasaas Laga Dhex Maqlayo Gudaha Xabsiga Weyn Ee Magaalada Hargeysa

0
511

DEG DEG : Rasaas Laga Dhex Maqlayo Gudaha Xabsiga Weyn Ee Magaalada Hargeysa

Wararka aan ka heleyno Xabsiga weyn ee Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Maamulka Somaliland ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas ay ka socoto rasaas oo ay ridayaan Ciidamo ka tirsan kuwa ilaalada xabsiga Hageysa.

Rasaastan ayaa bilaabatay, kadib markii ay is afgaareen qaar kamid ah Maxaabiista ku xiran xabsiga oo ka gadoodsan dhibaato ku heysata halkaas iyo Ciidanka ilaalada ka haaya xabsiga, kuwaasi oo rasaas ka dhex ridaya gudaha xabsiga weyn.

Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Booliska iyo Asluubta ayaa la geeyay afaafka hore ee xabsiga Magaalada Hargeysa, isla  markaana waxaa la xiray waddooyinka soo gala iyo kuwa kabaxa xabsiga, iyadoona dadka loo diidayo inay halkaas ka Agdhawaada.

Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay rasaasta iyo dagaalka ka gacan ka hadal oo dhexmaray qaar kamid ah Maxaabiista ku jirta xabsiga iyo Ciidanka ilaalada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here