Ruushka Oo Digiin Culus U Diray Labo Dal Oo Reer Yurub Ah

0
319

Ruushka Oo Digiin Culus U Diray Labo Dal Oo Reer Yurub Ah

Ruushka ayaa uga digay waddamada Finland iyo Sweden inay ku biiraan gaashaanbuurta Nato isaga oo ku dooday in tallaabo noocaas ah aysan wax xasilooni ah kusoo kordhin doonin Yurub.

Afahayeenka aqalka Kremlin-ka, Dmitry Peskova ayaa weriyeyaasha u sheegay in ‘isbaheysiga Nato uu weli yahay urur loogu talagalay in uu dhaliyo iska hor’imaad’

Waxay arrintani imaaneysaa xilli saraakiisha gaashaandhigga Mareykanka ay sheegeen in duulaanka Moscow ee Ukraine uu ahaa “khalad weyn oo istaraatiijiyadeed” taasoo oo ay muuqato inay horseedeyso is-ballaarinta Nato.

Saraakiisha Mareykanka waxay sheegeen in dalalkan ay Nato ku biiri karaan bisha June.

Xukuumadda Washington ayaa la rumeysan yahay inay taageereyso tallaabadan si dalalka xubinta ka ah Nato ay u gaaraan 32 dal.

Waaxda arrimaha dibadda Mareykanka waxay toddobaadkii hore sheegtay inay socdaan wadahadallo ay arrintan kala leeyihiin wasiirada arrimaha dibadda Sweden iyo Finland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here