Guddiga FEIT: Shahaadada rasmiga ah waxaa qaatay 204 Mudane.

0
415

Guddiga FEIT: Shahaadada rasmiga ah waxaa qaatay 204 Mudane.

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban Heer Federaal ee FEIT ayaa warbixin uu soosaaray waxa uu ku faah-faahiyay Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Senatarada Aqalka Sare ee qaatay shahaadada rasmiga ah uu bixinayo Guddigaan.

Guddoomiye ku xigeenka Guddiga (FEIT) Mowliid Mataan Salaad ayaa sheegay in diiwaanka shahaado siinta guddigooda ay galeen 204 mudane oo katirsan labada Gole ee Baarlamaanka 11aad ee JFS.

Xildhibaannada iyo Senatarada aan qaadan shahaadada rasmiga ah waxa uu ugu baaqay in ay qaataan kahor 14ka April 2022 oo ah waqtiga uu Guddiga hirgelinta Doorashooyinka Dadban Heer Federaal u qorsheeyay in la dhaariyo.

Dhanka kale waxa uu Mowliid Mataan oo ah Guddoomiye ku xigeenka FEIT uu sheegay in uu socdo diyaargarowga Munaasabadda lagu dhaarinayo xubnaha Baarlamaanka 11aad ee qaatay shahaadada rasmiga ah.

“Waxa weli xarunta Guddiga FEIT ee Airport Hotel ka socda Shahaado siintii Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ee labada Aqal taas oo tirada guud illaa hadda shahaadada qaadatay ah 204 Mudane, waxaa shahaado bixinta barbar socda u diyaargarowga in Xildhibaannada shahaadada qaatay la dhaariyo taas oo loo madlan yahay 14ka Bishaan, waxa aan halkaan ugu baaqeynaa Xildhibaannada aan weli nasoo gaarin in ay xarunta soo gaaraan oo shahaadooda ay qaataan si mas’uuliyaddooda u gutaan loogana baxo xaaladaha iyo cakirnaanta taagan” Sidaasi waxaa yiri Guddoomiye ku xigeenka FEIT Mowliid Mataan.

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee FEIT ayaa 2dii April 2022 billaabay bixinta shahaadada rasmiga ah, waxaa qaatay Xildhibaannada kusoo baxay liiska uu Guddigu shaaciyay 30kii March 2022 iyo mudanayaal la doortay kaddib waqtigaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here