Maxaa sababay in Ruushka uu Xoogga saaro Bariga Ukraine?

0
494

Maxaa sababay in Ruushka uu Xoogga saaro Bariga Ukraine?

Dowladda Ruushka ayaa xeelad cusub u dejisay duullaanka ka dhanka ah Ukraine si ay isaga jeediso culeyska dhaqaale iyo kan Militari ee uga imaanaya Xukuumadda Kyiv iyo Dowladaha kale ee garab istaagga u muujinaya.

Saraakiil katirsan Moscow ayaa sheegay in Ruushka uu ku waqti dheeraaday Dagaalka uu ku galay Ukraine, waxa uu adeegsanayaa duqeyn xooggan oo gantaallo iyo kuwa diyaaradaha lagu qaado ah si loo gaaro hadafka Ruushka.

Dhanka kale, Magaalada Kyiv iyo goob kale waxaa laga maqlay dhawaqa Digniinta suuragalnimada gantaallo ku wajahan Magaalooyinkaas kuwaas oo ka imaanaya dhanka Ciidamada Ruushka.

Madaxweynaha Ukraine Zelensky ayaa shacabkiisa u diray digniin la xiriirta in Ruushka uu qorsheeyay in uu geysto duqeyn lamid ah tan ka dhacday Magaalada Kramatorsk oo ay ku dhinteen in ka badan 57 ruux halka ay dhaawacmeen tiro ka badan 100 ruux.

Goobaha xaaladda feejignaanta ah laga muujiyay ee laga maqlay dhawaqa digniinta ee sheega gantaallada waxaa kamid ah Gobollada kala ah Lviv, Kyiv, Dnipro, iyo Zaporizhzha sida ay sheegeen saraakiil la hadashay Warbaahinta Gudaha.

Dagaalka xooggiisa ayaa u jiheystay dhanka Deegaannada dhaca Bariga Ukraine maadaama Xukuumadda Ruushka ay awooddeeda isugu geysay si ay gacanta ugu dhigaan Magaalooyin intooda badan Dadkii degenaa ay isaga barakaceen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here