Ciidan Itoobiyaan ah iyo Al-Shabaab oo ku dagalaamay Diinsoor.

0
388

Ciidan Itoobiyaan ah iyo Al-Shabaab oo ku dagalaamay Diinsoor.

Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Itoobiya iyo Al-Shabaab ayaa ka Dhacay Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay, weerarka ayaa ku billawday Hoobiyaal lagu tuuray mid kamid ah saldhigyada Ciidamada Itoobiyaanka ah ay ku leeyihiin Degmadaas.

Ilo kala duwan ayaa xaqiijiyay in dagaalka uu sababay Dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dhinacyada dagaalamaya ee kala ah Ciidamada Dowladda Federaalka Itoobiya iyo Al-Shabaab & Dadka Deegaanka oo rasaasta waxyeello kasoo gaartay.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaan, qoraal lagu daabacay Warbaahinta ku hadasha Afka Shabaab ayaa lagu sheegay in Hoobiyaal iyo dagaal toos ah la beegsadeen xeryo ciidamada Itoobiya ku leeyihiin Diinsoor.

Qoraalka ayaa intaas lagu sii daray in markii Ciidamada Itoobiya ay bannaanka uga soo baxeen Xoryahooda oo Al-Shabaab ku weerartay Hoobiyaal kaddib uu billawday dagaal toos ah oo dhexmaray labada dhinac.

Dhanka kale, Ciidamo Gurmad ah oo u socday Xerada ay ku sugan yihiin Askarta Itoobiyaanka ah ayaa weerar Dhabbagal ah kala kulmay Al-Shabaab, ma jiro war kasoo baxay Ciidamada Itoobiya oo sheegaya khasaaraha dhankooda gaaray.

Deegaanno katirsan Koofur Galbeed waxaa ku sugan Ciidamo Itoobiyaan ah oo qaar kamid ah ku howlgalla AMISOM halka qaybta kale aanay u diiwaangashneen Midowga Afrika iyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo bixiya dhaqaalaha ku baxaya ciidanka xiran Sumadda AU-da.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here