Dowlad Degaanka Soomaali Galbeed Oo Ka Hor Yimid Go’aan ahaa in Dumarku ay Saraawiil Shaqooyinka Usoo Xidhaan.

0
514

Dowlad Degaanka Soomaali Galbeed Oo Ka Hor Yimid Go’aan ahaa in Dumarku ay Saraawiil Shaqooyinka Usoo Xidhaan.

Xukuumada ayaa ka hadashay warqadii aan baahinay ee kasoo baxday wakaaallada korontada ee Jigjiga. Warqaddan wakaaladda kasoo baxday ayaa lagu sheegay in dumarka ka shaqaynaya xafiiska ay soo xirtaaan saraawiil, oo aysan soo xiran dharka dhaqanka Soomaalida.

Wasiirka warfaafinta,Abdukadir Rashid oo warqadaas ka hadlayay ayaa yiri:

“Warqadaas kasoo baxday xafiiska korontada ee laanta jigjiga waa warqad gaf ku ah dhaqanka, diinta iyo xuquuqda dadka soomaalida ah ujeedo siyaasadeedna laga leeyahay!Maanta ma ahan xilligi la is huwanaan jiray ee waa xilli uu dalka oo dhan ka jiro isbedel loo simanyahay:

“Marnaba gor-gortan kama galayno gafkan talaabada ku haboona waan kaqaadaynaa!” ; ayuu yidhi Abdiqadir Rashid.

Waxaan sugaynaa tallaabada ku haboon ee xukuumadu ka qaado shirkadda korontada oo hadal hayn iyo caro badan ka dhex dhalisay dadka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here