Sergei Lavrov oo Safarkiisii ugu horreeyay kaddib duullaanka Ruushka ee Ukraine ku tagay Shiinaha.

0
335

Sergei Lavrov oo Safarkiisii ugu horreeyay kaddib duullaanka Ruushka ee Ukraine ku tagay Shiinaha.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka Sergei Lavrov ayaa safar ku tagay Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha markii ugu horreysay tan iyo markii Dalkiisa uu duullaan xooggan ku qaaday waddanka xad wadaagga ay yihiin ee Ukraine.

Lavrov ayaa ka qaybgalaya Shir u dhaxeeya Wasiirada Arrimaha Dibadda Ruushka, Shiinaha, Pakistan, Iiraan, Tajikistan, Turkmenistan, Uzberkistan & Wasiirka Arrimaha Dibadda Maamulka Taliban ee Afghanistan.

Safarka Sergei Lavrov ayaa meesha ka saaray warar la hadal hayay oo sheegayay in uu xannuunsanayo si lamid ah Wasiiro iyo madaxda Dalka Ruushka kaddib markii ay u gurbaan tumeen duullaanka Moscow ee ka dhanka ah Kyiv.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha Wang Yi ayaa sheegay in shirkaan looga hadlayo xaaldda ka taagan Afghanistan, waxa uu la kulmayaa Amir Khan Muttaqi oo ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Taliban ka dhigstay Dalkaas.

“Shiinaha, Mareykanka, Ruushka iyo Pakistan dhamaantood waa waddamo saameyn weyn ku leh arrinta Afgaanistaan” Sidaasi waxaa yiri afhayeenka wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha oo lagu magacaabo Wang Wenbin.

Mareykanka ayaa joogitaankiisa Afghanistan muddo 20 sano ah soo afjaray 30kii August 2021, kahor waqtigaas waxa uu guud ahaan Maamulka Dalkaas u gacan galay Taliban oo muddada Mareykanka iyo xulafadiisa joogeen Afghanistan dagaal kala hor jeeday.

Dhanka kale, Mareykanka ayaa kala ilaalinaya in Moscow iyo Beijing ay xoojiyaan xiriirkooda, Washington ayaa Shiinaha ka dalbatay in uu mowqif adag ka qaato Duullaanka Ruushka ee Ukriane, balse lama sheegin labada kulan gaar ah yeelan doonaan Sergei Lavrov & Wang Yi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here