Wararkii Ugu Danbeeyay Dad Badan Oo Ku Dhintay Weerar Ka Dhacay Caasimadda Tel Aviv.

0
333

Wararkii Ugu Danbeeyay Dad Badan Oo Ku Dhintay Weerar Ka Dhacay Caasimadda Tel Aviv.

Waa weerarkii saddexaad oo noociisa ah oo ka dhacay gudaha Israaiil muddo toddobaad ah oo dad lagu dilay . Muuqaal laga soo duubay goobta uu falka ka dhacay ayaa muujinaya ninka hubeysan oo ku labisan dhar madow oo ka gudbaya waddo, islamarkaana rasaas aad u badan ridaya.

Sida ay sheegtay warbaahinta Jerusalem Post, Dadka la dilay ayaa waxaa lagu toogtay waddooyin dhinaca isku haya, halka meydka hal qofna laga dhex helay gaari. Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Naftali Bennett ayaa qabanaya shir degdeg ah oo looga arrinsanayo xaalafdda amni ee israaiil.

Ra’iisul Wasaarihii hore israaiil haatanna ah hoggaamiyaha mucaaradka Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay in Israa’iil ay ku jirto “mowjado weerarro is xigxiga oo khatar ah kuwaasi oo aan la arag sannado badan, waxaa uuna ku baaqay in la qaado tallaaboyin lagu soo celinayo nabadda iyo ammaanka muwaadiniinta Israa’iil.

Warbaahinta Israa’iil ayaa ku warramaysa in qofka weerarka geystay uu ahaa 27 jir Falastiini ah oo ka soo jeeday tuulo ku taal woqooyiga Daanta Galbeed ee la haysto.

Kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas ee maamusha Gaza ayaa bogaadisay weerarka, waxayna shegeen in ay “aad u ducayneyaan qofka geystay werarkaasi lagu qaaday magaaladda Tel Aviv”. Ammaanka guud ahaan Israa’iil iyo Daanta Galbeed ayaa aad loo adkeeyay kadib labadii weerar ee hore ee sidan oo kale loogu soo qaaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here