Golaha Ammaanka Oo Ansixinaya Oggolaanshaha Howlgalka ATMIS Ee Soomaaliya.

0
245

Golaha Ammaanka Oo Ansixinaya Oggolaanshaha Howlgalka ATMIS Ee Soomaaliya.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ayaa Maanta oo Arbaco ah waxaa lagu wadaa inay yeeshaan kulankooda caadiga ahaa oo ay uga hadli doonaan Arrimo kala duwan oo ku jirto xaaladda Soomaaliya.

Kulanka Golaha ammaanka ee Maanta qabsoomaya ayaa sida uu qorshahu yahay waxaa lagu ansixin doonaan waajibaadka iyo oggolaanshaha howlgalka ATMIS oo dhawaan lagu bedelayo howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya AMISOM.

Dowladda Federaalka Soomaaliya, Qaramada Midoobay IYO Midowga Afrika ayaa dhawaan isku raacay in la bedelo mgaca howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, isla markaana laga dhigo howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS).

Howlgalka cusub ayaa dhammaan doona sanadka 2024, iyadoo wixii ka dambeeyana xiligaas mas’uuliyadda lagu wareejin doono Ciidamada ammaanka DFS, waxaana dowladda ay dooneysaa in howlgalka ATMIS uu xoogga saaro hirgelinta Qorshaha kala guurka dalka.

Waajibaadka shaqo ee ATMIS ayaa noqon doona la dagaalanka Al-shabaab, sugidda amniga, horumarinta tayada ciidamada ammaanka iyo taageeridda Nabadda iyo dib u heshiisiinta, sida ay shaaciyeen Golaha Nabadda iyo amniga ee Midowga Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here