Dowladda Ukraine Oo War Kasoo Saartay Muuqaal Si Weyn Baraha Bulshada Loogu Baahiyay.

0
304

Dowladda Ukraine Oo War Kasoo Saartay Muuqaal Si Weyn Baraha Bulshada Loogu Baahiyay.

Masuuliyiinta Ukraine ayaa baaraya muuqaal la sheegay in askar u dhalatay Ukraine ay rasaas lugaha uga dhufanayaan maxbuus Raashiyaan ah.

Muuqaalka argagaxa leh oo dhex wareegayay baraha bulshada ayaa soo muuqday horantii maalinadii axada ee bishu ahayd 27 ka. Intaas kadib ayaa aad loogu sii baahiyay ciwaanada dadka taageersan Ruushka iyaga oo isticmaalaya baro kala duwan.

Taliyaha ciidamada qalabka sida ee Ukraine Valerii Zaluzhnyi ayaa sheegay in Ruushku ay duubaan muuqaalo ay alifeen, si ay u macno tiraan hanaanka la dhaqanka maxaabiista ee Ukraine.

Si walba Oleksiy Arestovych oo ka mid ah lataliyaasha madaxweynaha Ukraine ayaa sheegay in la samayn doono baaritaan degdeg ah. Wuxuu intaas ku daray “ waxaan doonayaa in aan ogeysiiyo shacabka iyo ciidamada in bahdilka maxaabiista dagaalka ay la mid tahay dambi dagaal”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here