Madaxwaynaha Dalka Faransiiska Oo Ku Baaqay In La Joojiyo Hadalada Xanafta Leh Loo Jeedinayo Putin

0
493

Madaxwaynaha Dalka Faransiiska Oo Ku Baaqay In La Joojiyo Hadalada Xanafta Leh Loo Jeedinayo Putin

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ku dhawaaqay hadallo dood badan ka dhex dhaliyay Madaxda iyo Dalalka kasoo horjeeda Duullaanka Ruushka uu ku qaaday waddanka Xad-waaagga ay yihiin ee Ukraine.

Macron oo Wareysi Siiyay mid kamid ah Warbaahinta Faransiiska ayaa soo jeediyay in la joojiyo hadallada qalafsan ee hanafta leh ee lagu beegsanayo Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin si uu u joojiyo dagaalka uu ku qaaday Ukraine.

Hadalka Madaxweynaha Faransiiska ee ah in la joojiyo Oraahda culus ee loo jeedinayo Putin aanay ku qasbeyn joojinta dagaalka si Ukraine culeyska uga yaraado balse loo baahan yahay in la raadiyo xal kale oo xabadda lagu joojin karo.

“Waxay ila tahay in aynu xaqiiqada ilaalino oo aynu wax walba samayno si aanay wax u kicin. Sababta oo ah waxa aan sii wadeynaa in aan wadahadallo la yeelano Madaxweyne Putin, Dadcan looma baahno in la adeegsado ereyo culus waayo hadalladaas xanafta leh Putin waxba kama dhibto mana joojinayaan dagaalka in ay kasii daraan mooyee” ayuu yiri Emmanuel Macron.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa maalin sheegay in Dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin aanay xilka sii heyn Karin maadaama uu yahay dambiile galay dambi bani aadam kuna xad-gudbay xuquuqda reer Ukraine.

Emmanuel Macron, Madaxweynaha Faransiiska ayaa xiriir joogta la sameynayay Madaxweynaha Ruushka Putin waxyaabaha uu kala hadlay waxaa kamid ah sidii xabad-joojin loo raadin lahaa iyo sidii go’doonka looga saari lahaa Magaalada Mariupol.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here