Turkiga Oo Dalkiisa U Fasaxay Maal-Qabeeno Ay Dalalka Reer-Galbeedka Beegsanayaan

0
331

Turkiga Oo Dalkiisa U Fasaxay Maal-Qabeeno Ay Dalalka Reer-Galbeedka Beegsanayaan

Wasiirka Arrimaha Dibedda Turkey Mevlut Cavusoglu ayaa sheegay in maal-qabeenada Ruushka ee loo yaqaan Oligarchs ay sii wadi karaan inay ganacsiyo ka sameeyaan Turkey inta ay ilaalinayaan sharciga dalka iyo kan caalamiga ah.

Cavusoglu oo lagu doc wareystay Madasha Doha ee Qatar ayaa la weydiiyey haddii maal-qabeenada Ruushka ee wajahaya cunaqabataynada Reer Galbeedka ay ka ganacsan karaan Turkey.

“Dabcan, haddii ay tahay sharci, haddii aysan ka hor imaneyn sharciga caalamiga ah. Waan ka fakari doonnaa,” ayuu yiri. “Haddii ay ka hor-imaneyso sharciga caalamiga ah, taasi waa sheeko kale.”

Laba ka mid ah doomaha raaxada ah oo uu leeyahay bilyaneerka Ruushka ee Roman Abramovich ayaa toddobaadkan ku xirtay dalka Turkey.

Tallaabooyinka lagu beegsanayo hantida maal-qabeenada Ruushka ma aysan ansixin QM balse waxaa soo rogay dalalka Reer Galbeedka, oo ay ku jiraan Mareykanka iyo kuwa xubno ka ah Midowga Yurub.

Waxay soo rogeen tallaabooyin aan horey loo arag oo ka dhan ah Ruushka, sababo la xiriira duulaanka ay ku qaaday Ukraine, waxaana ka mid ah in liiska cunaqabataynada lagu daro maal-qabeenada iyo shaqsiyaadka ku dhow Putin.

Dhowr dal ayaa la wareegay doomo lagu raaxeysto oo ay leeyihiin maal-qabeenada Ruushka, ayada oo madaxweynaha Mareykanka oo ka digay in xulufada ay u iman doonta “hantida aad sida sharci-darrada ah ku hesheen.”

Hase yeeshee Turkey oo xubin ka ah NATO, islamarkaana xiriir xooggan la leh Russia iyo Ukraine, kuma aysan biirin dalalka Reer Galbeedka ee beeganaya Moscow.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here