Taliyaha Booliska Somaliland “Soomaliya nabadgelyo kama wada shaqayn karno”

0
626

Taliyaha Booliska Somaliland “Soomaliya nabadgelyo kama wada shaqayn karno”

Taliyaha Ciidamada Booliiska Xukuumadda Somaliland Maxamed Aadan Saqadhi Dabagale, oo ka hadlayay wada shaqeynta kala dhaxeyso Soomaaliya ayaa sheegay in wax wada shaqayn ah la lahayn Soomaaliya, balse wada shaqeyn ay kala dhaxeyso dhamaan waddamada dariska ah.

Waxaa uu yiri Dabagale “Waddamada jaarka xog wadaag ayaanu leenahay marka laga reebo Soomaaliya, Itoobiya xog iswaydaarsi ayaanu leenahay, Jabuuti waanu leenahay, dowlada badan oo kale ayaanu leenahay, Koonfur Afrika, Ingiriiska ayaanu leenahay.”

Sidoo kale, waxaa uu sheegay in Xukuumadda Somaliland anay Soomaaliya kala shaqayn karin nabadgalyo ilaa oo Siyaasada laga heshiiyo.

“Khalad baan u arkaa waa in aynu siyaasada ka heshiino horta, siyaasada oo laga heshiiyo mooyaane nabad galyana kama wada shaqayn karno, iskumana iman karnaba” ayuu yiri Taliye Dabagale.

Hadalka Taliyaha ayaa imaanaya, iyadoo Dowladda Soomaaliya aysan wax wada shaqeyn ah kala dhaxeyn Somaliland, balse ay iyaduna ku adkeysaneyso gooni u goosadkeeda, maadama dadaal xoogleh ay ugu jirto sidii ay ku heli lahayd aqoon heer caalami ah tan iyo 1960 kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here