YUKRAYN : Bakhaar cunnada lagu keydiyo oo ku gubanaya Kyiv.

0
631

YUKRAYN : Bakhaar cunnada lagu keydiyo oo ku gubanaya Kyiv.

Bakhaar cunnada lagu keydiyo oo ku yaalla Magaalada Kyiv ayaa dad qabsaday kaddib markii uu haleelay mid kamid ah Gantaallada culus ee uu Ruushka ku garaacayo dalka Ukraine sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan.

Kooxaha Dab damiska oo ku howlan deminta dabkaan ayaa sheegay in uu xooggan yahay balse ma sheegin waxyeello soo gaartay Dad, dedaalkoodana uu socdo si ay u damiyaan sida ay hadalka u dhigeen.

Ukraine waxaa maalintii 17aad ka socda duqeyn xooggan oo Ruushka ku rabo in uu ku qabsado guud ahaan Magaalada Kyiv oo uu kala kulmayo iska caabin uga imaaneysa Ciidanka Dowladda oo kaashanaya Dad u istaagay difaaca Dalkooda.

Dowladda Ukraine ayaa Ruushka ku eedeysay in uu burburinayo Goobaha muhiimka ah sida Garoomada Diyaaradaha, Isbitaallada & Bakhaarada keydka oo markii horay wax loogu keydiyay in looga gudbo xaaladaha adag marka ay dalka soo wajahaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here