Madaxwayne Biden oo loo gudbiyay dalab ah in uu dib Soomaaliya ugu celiyo Ciidamada Mareykanka.

0
356

Madaxwayne Biden oo loo gudbiyay dalab ah in uu dib Soomaaliya ugu celiyo Ciidamada Mareykanka.

Sida uu ku warramay Wageyska The Wall Street Journal, Saraakiil Mareykan ah ayaa Madaxweynaha 46aad ee Dalkaas Joe Biden ka dalbaday in uu ogolaado qorshe dib ciidamada Ameerikaanka loogu celinayo Soomaaliya.

Sarkaal katirsan Sirdoonka Mareykanka ayaa sheegay in sare u kacday awoodda Al-Shabaab kaddib markii Soomaaliya laga saaray Ciidamada Mareykanka, sidaas awgeed Taliyayaasha leh soo jeedinta ay gudbiyeen codsi ah dib u celinta Ciidanka la saaray Janaayo 2021.

“Waxa aan ognahay in awoodda Al-Shabaab ay sare usoo kacday tan iyo markii Ciidamada Mareykanka ay isaga baxeen Soomaaliya, Waa loo darsaday Ciidanka Ameerikaanka oo dagaal adag kula jiray Shabaab” ayuu yiri Sarkaalkaan la qariyay Magaciisa & derajadiisa ee la hadlay Wargeyska The Wall Street Journal.

Waxa uu daaha ka rogay in uu jiro dalab loo gudbiyay Madaxweyne Joe Biden oo ah in uu fasaxo dib u celinta Ciidamada laga saaray Soomaaliya oo ka yimid Taliyayaasha Militariga oo arkaya “Halista Al-Shabaab ee kahortagga u baahan” sida uu hadalka u dhigay.

Sarkaalkaan magaciisa qariyay ayaa ku cataabay in haddii aan la ogalaan ciidamada kahortagaya halista Al-Shabaab ay suuragal ka dhigeyso in Shabaab beegsadaan Danaha Mareykanka & saaxiibadooda ee Afrika.

Mareykanka ayaa gaabiyay duqeynta uu ka fuliyo Soomaaliya oo si is daba-joog ah u dhaceysay markii Ciidamada ay ka joogeen Dalka, taasi waxa ay dhalisay cabasho kasoo yeertay waxyeellada Dadka rayidka ah kasoo gaartay duqeymahaas.

Hay’adaha Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch & Amnesty International ayaa wadajir u sheegay in ay hayaan caddeymo muujinaya waxyeellada Mareykanka uu u geystay Dad rayid ah oo dhimasho, dhaawac iyo ku guryo beelay deegaanno u badan Koofurta Soomaaliya.

Washington ayaa qiratay in yar oo kamid ah Kiisaskaas balse kama bixin magta (Diyada) Dadka ku dhintay hubka Ameerikaanka ee Duqeynta ugu adeegsaday, waxa ay taasi dhalisay in cadaadiska ku xoojiyaan Hay’adaha Amnesty & Humar Right.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here