Turkiga oo maanta kulansiinaya Ruushka & Ukraine si ay uwada xaajoodaan.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Mevlüt Çavuşoğlu ayaa sheegay in Maanta oo ah 10-ka Maarso 2022 uu wadahadal dhexmari doono Wasiiradda Arrimaha Dibadda Ruushka Sergey Lavrov & dhiggiisa Ukraine Dmytro Kuleba.
Wadahadalka waxaa kasoo shaqeeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Çavuşoğlu oo telefoon kusoo dhammeeyay in labada dhinac ay aqbalaan in wada-xaajood toos ah ku yeeshaan Istanbul.
Indhaha daneeyaasha xiisadda Ruushka iyo Ukraine ayaa u jiheysan doona Turkiga oo waxa ay ka war sugayaan dedaallada Xukuumadda Ankara ay ku bixineyso sidii ugu horreyn loo heli lahaa Xabad-joojin si kulanka qaybihiisa kale gunta loo galo.
Wakaaladda Wararka Ukraine ee UNIAN ayaa sheegtay in Wasiirka Arrimaha dibadda Dalkaas ay kasoo xigatay in wadahadalka miiska lagu soo dhigi doono duullaanka Ruushka ee 24kii Febaraayo 2022 ku qaaday Ukraine.
“Kulanka waxa uu qorshuhu yahay in uu ku billawdo jawi degen, Wasiirka arrimaha Dibadda Turkiga ayaa dhexdhexaadin doonin, haddii is faham uu ka dhasho si toos ah ayay u wada-xaajoon doonaan Wasiirada arrimaha Dibadda Ukraine & Ruushka, sida la qorsheeyay waxa uu wadahadalka socon doonaa 10-ka ilaa 13ka Maarso 2020” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga.
Wakiilo ka kala socda Ruushka iyo Ukraine ayaa dhowr kulmay maalmihii lasoo dhaafay balse natiijo rasmi ah lagama gaarin, Turkiga oo qaatay door hoggaamin ee wada-xaajoodka ayaa la hadlay labada Wasiir arrimo dibadeed ee Kyiv & Moscow oo ka aqbalay dalabka Ankara.