Madaxwayne Cusub Oo Loo Doortay Dalka Kuuriyada Koonfureed.

0
290

Madaxwayne Cusub Oo Loo Doortay Dalka Kuuriyada Koonfureed.

Kuuriyada Koonfureed ayaa u dooratay musharraxa mucaaradka, Yoon Suk-yeol, in uu noqdo madaxweynaha xiga ee waddankaas ka dib tartan adag.

Lee Jae-myung oo ah xisbiga talada haya ee Dimuqraadiga ayaa qirtay guuldarada subaxnimadii hore ee Khamiista, isaga oo ka raali galiyay taageerayaashiisa “guuldarradiisa”.

Mr Yoon ayaa guushiisa ku tilmaamay “guul ay gaareen dadweynaha”.

Labada musharax ayaa lagu eedeeyay inay wadaan olole aan wanaagsaneyn, waxaana ay ku kala baxeen wax ka yar 1% codadka.

Doorashadii Arbacadii dhacday ayaa si weyn loogu soo baxay, iyadoo in ka badan afar meelood saddex meel ay codkooda dhiibteen.

Walaaca ugu badan ee codbixiyeyaashu waxa ka mid ahaa qiimaha guryaha oo cirka isku shareeray, kobaca dhaqaalaha oo fadhiid ah, iyo shaqo la’aanta dhalinyarada.

Aqalka Cad ayaa horey hambalyo ugu diray Mr Yoon, isagoo sheegay in madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu rajeynayo inuu sii ballaariyo xiriirka labada dal.

Waa kuma Yoon Suk-yeol?

Mr Yoon waxa uu siyaasadda galay sannadkii hore waxaana uu caan ku noqday in uu ku guulaysto in uu dacwad ku soo oogo madaxweynihii hore ee xisbiga Konserfatifka Park Geun-hye oo lagu eedeeyay laaluush iyo musuqmaasuq.

Waxa lala barbardhigay madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump marar badan intii lagu jiray ololaha oo ay ku jirto faallooyinkiisii ahaa in madaxwaynihii keli-taliska ahaa Chun Doo-hwan, oo mas’uul ka ahaa xasuuqii mudaaharaadayaasha 1980, uu “ku wanaagsanaa siyaasadda”.

Waxa uu ballan qaaday in uu baabi’in doono wasaaradda sinnaanta ragga iyo dumarka oo uu ku eedeeyay kor u kaca dumarnimada in ay sabab u tahay heerka dhalmo yaraanta dalka.

Mr Yoon ayaa sidoo kale aad ugu ad adag siyaasadda arrimaha dibadda marka loo eego madaxweynaha hadda talada haya ee Moon Jae-in. Waxa uu sheegay in uu hiigsan doono in uu horumariyo tignoolajiyada si uu weerar horudhac ah ugu qaado Kuuriyada Waqooyi haddii Pyongyang ay u muuqato in ay weerarto Seoul iyo in uu doonayo in uu ku dhawaado xulafada Maraykanka oo uu ku adkeeyo Beijing.

Ninkan siyaasadda ku cusub ayaa la wareegi doona dalka 10-aad ee ugu dhaqaalaha weyn adduunka, oo ah xulafada muhiimka ah ee Maraykanka ee Aasiya iyo awood wax soo saar oo leh hammi ah in uu adduunka ku hoggaamiyo horumarinta tignoolajiyada jiilalka soo socda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here