Madaxwayne Zelensky Oo NATO Ku Dhaleeceeyay Diidmada In La Sameeyo Aag Ka Caagan Duulimaadyada

0
446

Madaxwayne Zelensky Oo NATO Ku Dhaleeceeyay Diidmada In La Sameeyo Aag Ka Caagan Duulimaadyada.

Madaxweynaha Ukraine ayaa waxa uu weerar afka ah ku qaaday hoggaamiyayaasha NATO kuwaas oo diiday inay dalkaasi ka sameeyaan aag ka caagan duulimaadyada.

Khudbad kulul oo uu Volodymyr Zelensky jeediyay ayuu ku sheegay in cagajiidka reer Galbeedka ay ka cagajiidayeen inay arrinta soo farageliyaan ay Ruushka siisay “ogolaanshiyaha” ah inay sii socdaan duqaymaha lagu hayo tuulooyinka iyo magaalooyinka dalkaasi.

NATO ayaa waxa ay ku dooday in haddii la sameeyo aag ka caagan duulimaadyada ay sababi karto inuu qarxo dagaal ay la galaan Moscow.

Madaxweynaha Ruushkana, Vladimir Putin, waxa uu Sabtidii sheegay in tallaabakasta oo noocaasi ah loo arki doono inay tahay “ka qeybqaadashada colaad hub la isu adeegsanayo oo uu ku dhaqaaqay dalkii arrintaas sameeya”.
Mar uu ka hadlayay cunaqabataynta ay reer Galbeedku ku soo rogeen Ruushka ayuu hogaamiyaha Ruushka waxa uu sheegay in ay “kuwaasi u dhigmaan dagaal lagu dhawaaqay oo kale, hasayeeshee Ilaah ayaa mahad iska leh oo heerkaas lama gaarin”.
Dhankiisa khudbaddii uu ka jeediyay magaalada Kyiv, ayuu Mr Zelensky waxa uu ku sheegay inuusan ku raacsanayn in tallaaba toos ah la qaado ay suuragal tahay inay “Ruushka ku qasabto inuu colaad toos ah la galo NATO”.

Kalmado ay caro ka muuqato ayuu ku sheegay in dooddaasi ay ka dhigan tahay “aaminaadda dadka ay liidato isku kalsoonidooda” iyo in labalabaynta reer Galbeedka ay muujinayso in “cidkasta aanay si hoose u eegayn in halganka xorriyadda ay noqoto yoolka koobaad ee reer Yurub”.

“Dhammaan dadka dhiman doona laga bilaabo maanta waxa ay u dhiman doonaan sababtiina. Dafiicnimadiina, iyo midnimo la’aantiinna,” ayuu ku daray Mr Zelensky oo u muuqanayay mid caraysan.

Jimcihii, Xoghaya Guud ee NATO, Jens Stoltenberg, ayaa waxa uu ka digay in haddii la soo saaro aag ka caagan duullimaadyada ay suuragal tahay in arrintaasi ay horseedo “dagaal ballaaran oo ka qarxa Yurub oo ay ka qeyb qaataan dalal badan kaas oo sababi kara dhibaato wayn oo bini’aadamka soo gaarta”.
Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee waddanka Mareykanka, Antony Blinken, ayaa sidoo kale meesha ka saaray in la sameeyo aag ka caagan duullimaadyada, hasayeeshee waxa uu BBCda u sheegay inuu ku kalsoonyahay in Ukraine ay Ruushka kaga guulaysan karto dagaalka ay kula jirto.

“Kuuma sheegi karo mudada uu dagaalku qaadan doono,” ayuu yiri diblumaasiga ugu sarreeya Mareykanka.

“Kuuma sheegi karo waqtiga uu dagaalku sii socon doono. Hasayeeshee aragtida ah in Ruushku uu qabsankaro 45-ka milyan ee qof ee sida adag ugu dagaallamaya mustaqbalkooda iyo xorriyadooda, ayaanay u muuqan in Ruushku uu gacanta ku dhigi doono Ukraine, halkaas wax badan ayaad ka fahmi kartaa.”

Xilli duullaanka Ruushka ee Ukraine uu galay maalintiisii 10-aad, ayaa ciidammada Moscow waxa ay sii wadaan inay si xooggan u duqeeyaan magaalooyin badan.

Magaalada dekadda leh ee ku taal koonfurta ee Mariupol, ayaa duqa magaalada waxa uu sheegay in dadka rayidka ah lagu hayo “go’doomin” kaddib maalmo lagu soo qaadayay weerraro “arxan-darra ah” oo kaga imanayay ciidammada Ruushka kuwaas oo arkay in korontada iyo biyaha ay ka go’an yihiin magaalada ay ku nool yihiin 450,000 ee qof.
Gudaha waddanka Ruushkana, madaxweyne Vladimir Putin waxa uu saxiixay sharci xabsi illaa 15 sanadood ah ku ridaya dadka lagu eedeeyay inay faafinayeen “warar been abuur ah” oo ku saabsan dagaalka Ukraine, ayaa waxa ay horseedday indhowr warbaahin oo reer Galbeed ah oo ay ku jirto BBCda inay hakiyaan howlihii ay dalkaasi ka hayeen.

Dhanka kale, Mr Zelensky ayaa khudbad u jeedinayay dibadbaxayaal fara badan oo isugu soo baxay dhowr magaalooyin oo ku yaal Yurub si ay u taageeraan Ukraine, oo ay ku jiraan caasimadda Czech, Prague, iyo caasimadda Georgia ee Tbilisi.

Waxa uu dibadbaxayaasha uga digay in: “Haddii Ukraine aanay badbaadin, Yurub oo dhan aanay badbaadi doonin.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here