Amiirka Sacuudiga oo sheegay in Dilkii Khashoggi uu ahaa Dhacdadii ugu xumayd ee abid soo martay.

0
318
Saudi Arabia's Crown Prince Mohammed bin Salman ? the kingdom's strongman known as MbS attends the virtual G20 Summit on Saturday Nov 21, 2020. (Photo by EyePress News / EyePress via AFP)

Amiirka Sacuudiga oo sheegay in Dilkii Khashoggi uu ahaa Dhacdadii ugu xumayd ee abid soo martay.

Amiirka ahna Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa wareysi uu siiyay Wargeyska The Atlantic uga sheekeeyay saameynta sumcadeed iyo midda nafsadeed ee kasoo gaartay Dilkii Wariye Jamaal Khashoggi oo lagu naf-dhaafiyay Qunsuliyadda Sacuudiga uu ku leeyahay Istanbul 2dii October 2018.

Maxamed Bin Salmaan ayaa sheegay in uusan dilin Wariye Jamaal, waxa uu beeniyay in saraakiil katirsan Xafiiskiisa ay ku lug leeyihiin Dilkaas taasina ay xoojisay shakiga laga qaaday in uu bixiyay amarka lagu khaarijiyay Khashoggi.

“Waan dareemi karaa carada ay wariyeyaasha ka qaadeen dilka Khashoggi, waana ku ixtiraamayaa dareenkaas. Balse dhibaato iyo xannuun ayaa innaga naga soo gaartay geeridiisa, Muhiim iima ahayn Jamaal, Nolosheyda ma aqrin maqaal uu qoray” ayuu Maxamed Bin Salmaan (MBS).

Howshii uu hayay Jamaal Khashoggi waxa uu Amiirka Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ku tilmaamay in aysan gaarsiisneen heer lagu dilo, waxaana uu cod hoose ku yiri: “Khashoggi kama mid ahayn Dadka ku jira Liiska kuwa Cadawga ku ah Sacuudiga xitaa sooma galeen booska kunaad (1000-aad)”.

Waxa uu soo hadal qaaday xiriirka xumaaday ee lasoo ifbaxay isbaddelka ku yimid hoggaanka Mareykanka, Bin Salmaan ayaa ku caga-jugleeyay in haddii cilaaqaadka Mareykanka ee gaabiska ku yimid uu sidaan sii ahaado in xiriirkoodu u weecinayaan dhanka Shiinaha.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in lala xisaabtami doono saraakiisha iyo madaxda ka dambeysay dilka Wariye Jamaal Khashoggi, dagaalka Yemen iyo xaaladaha bani aadamnimo ee ka taagan Dalkaas deriska la ah Boqortooyada Sacuudiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here