Wiil Arday Ah Oo Isagoo Cunto Soo Doontay La Kulmay Madfac.

0
520

Wiil Arday Ah Oo Isagoo Cunto Soo Doontay La Kulmay Madfac.

Arday u dhashay waddanka Hindiya oo ku sugnaa magaalada Kharkiv ee dalka Ukraine ayaa ku dhintay madfac ay soo rideen ciidanka Ruushka, kaasoo uu la kulmay kaddib markii uu kasoo baxay meel gabbaad ah si uu raashin uga doonto dukaan weyn oo ku ag dhawaa.

Ninka dhallinyarada ahaa ayaa Talaadadii ku dhintay goobtaas, xilligaas oo ahayd wax yar kaddib markii bandowga laga qaaday magaalada.

Naveen S. Ginagodar ayaa ahaa arday wax ka dhiganayay Jaamacadda National Medical ee magaalada Kharkiv.

Mid ka mid ah radyda ay saaxiibbada ahaayeen, oo lagu magacaabo Srikanth Chinagoda, ayaa ayaa BBC-da u sheegay in uu la hadlay Naveen wax yar ka hor inta uusan geeriyoonin.

Magaalada Kharkiv ayuu weli ku socdaa dagaal ay ku hayaan militeriga Ruushka, waxaana halkaas ku xayiran kumannaan arday ah oo dalbanaya in lagu caawiyo sidii halkaas looga saari lahaa.

Hindiya ayaa isku dayeysa in ay muwaadiniinteeda kala baxdo Ukraine balse waxa ay wajaheysaa caqabado la xiriira sida ay u adag tahay in dhaqdhaqaaqyo laga sameeyo waddankaas oo uu ka socdo dagaalka uu Ruushka ku qaaday.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Hindiya ayaa xaqiijisay geerida Naveen Ginagodar. Waxa ay sheegtay in ay xiriir la yeelatay qoyska uu kasoo jeeday ardaygaas.

Arday badan oo ku xayiran Ukraine tan iyo markii uu billowday dagaalka galay maalintii Lixaad ayaa ka cabanaya inay dhibaato ka heysato helitaanka raashinka oo ay ku dalbadaan farriimaha Twitter-ka.
Ardayga ay Naveen Ginagodar wax isla baranayeen, Sri Kant Chinagoda, ayaa BBC-da ku yidhi: “Naveen wuxuu isoo wacay markii ay saacaddu ahayd 8 am waqtiga Ukraine waxa uuna iga codsaday in aan u diro lacag maadaama uu doonayay in uu raashin noo soo iibiyo.”

Sri Kant Chinagoda iyo saaxiibkiis Naveen Ginagodar ayaa caafimaadka ka baranayay Jaamacadda Kharkiv, waxa ayna ku jireen sanadkii 4-aad ee waxbarashadooda.

Srikanth Chinagoda ayaa sheegay in markii bandowga laga qaaday magaalada waabarigii uu Naveen Gina kasoo baxay goobta ay gabbaadka ka dhiganayeen uuna aaday dukaan ku dhawaa.

Waxa uu sheegay in uu isku dayay inuu la xiriiro saaxiibkiis shan daqiiqo kaddib markii uu lacagta u diray.

“Telefoonka ma uusan iga qabaneynin. Marar badan ayaan wacay. Markii dambe qof ayaa iga qabtay, wuxuu igula hadlay luuqadda Ukraine, mana aanan fahmin,” ayuu yidhi.

Waxa uu sheegay inuu telefoonka u dhiibay qof kale oo ay goobta isla joogeen oo reer Ukraine ah, sidaasna loogu sheegay in saaxiibkiis uu geeriyooday.

“Waan rumeysan waayay. Aniga qudheyda ayaa aaday dukaankii.”

Sri Kant Chinagodar ayaa sheegay in ay qorsheynayeen sidii ay goobtaas uga tegi lahaayeen, maadaama madaafiicda Ruushka ay sii badanayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here