Guddoomiye Ku Xigeenkii Guddiga Doorashada Puntland Oo Is Casilay.
Gudoomiye ku xigeenka Gudiga Maamulka doorashooyinka Heer Dowlad Goboleed ee Puntland Caynaanshe Yusuf Xuseen ayaa Iska casilay xilkii uu ka hayay guddigaasi.
Warqad uu soo saaray ayuu ku shaaciyay in uu xilkii isaga tagay, isagoo sheegay in sababta ugu weyn ee uu xilka uga tagay ay tahay arrimo shakhsi ah oo isaga u gaar ah, mana uusan bixin faah faahin kale oo intaa ka dheeraad ah.
Waxaa uu u mahadceliyay dhammaan xubnaha ay isla soo shaqeeyeen, waxaana uu intaa kud aray in sidoo kale uu iska casilay Xubinimadii Guddiga doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee Puntland.
Hoos ka akhriso Warqadda is casilaadda