Magaalada Baladweyne oo maanta lagu dooranayo 6 kursi.

0
390

Magaalada Baladweyne oo maanta lagu dooranayo 6 kursi.

Magaalada Baladweyne Xarunta Gobolka Hiiraan maanta waxaa lagu dooranayaa 6 kursi oo Golaha Shacabka ah sida uu xaqiijiyay Guddiga hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee Dowlad-Goboleed ee SEIT Hir-Shabeelle.

Waxaa la diiwaangeliyay musharixiinta u tartameysa kuraasta kala ah: HOP#006, HOP#022, HOP#003, HOP#032, HOP#252 & HOP#068.

Kuraastaan waxaa ku fadhiya Xildhibaanno qaarkood dib isugu sharaxay u tartamidda si haddii ay ugu guuleystaan dib ugu laabtaan Aqalka Shacabka.

HOP#006: Maxamuud Cabdullaahi Axmed ayaa ku fadhiya.

HOP#022: Cismaan Maxamed Cabdi ayaa ku fadhiya.

HOP#003: Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax Beene-Beene ayaa ku fadhiya.

HOP#032: Khaliif Cabdi Cumar ayaa ku fadhiya.

HOP#252: Cabdicasiis Saalax Carmaan ayaa ku fadhiya.

HOP#068: Faaduma Faarax Ibraahim ayaa ku fadhisa.

La soco natiijada Doorashada kuraastaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here