Somaliya Iyo Turkiga Oo Baaraya Sababta Ay Muwaadiniin Soomaali Ah Ugu Dhinteen Qabow Dartiis Xuduuda Giriiga

0
311

Somaliya Iyo Turkiga Oo Baaraya Sababta Ay Muwaadiniin Soomaali Ah Ugu Dhinteen Qabow Dartiis Xuduuda Giriiga

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Xukuumadda Soomaaliya ee xilgaarsiinta Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa khadka telefoonka wada hadal kula yeeshay dhiggiisa dalka Turkiga Mevlut Cavusoglu.

Kulanka labada Wasiir Arrimo Dibadeed ayaa waxaa looga wada hadlay adkaynta cilaaqaadka dhow ee labada dowladood iyo Labada Shacab ee walaalaha ah, kuna saleeysan arrimo dhowr ah.

Labada wasiir ayaa wada hadalkooda ku lafo-guray sidii loo horumarin lahaa xiriirka qotada dheer ee Soomaaliya iyo Turkiga, iyaga oo si gaar ah diiradda u saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha, ganacsiga, iyo xoojinta taageerada dowladda Turkiga ee qorshaha ay Soomaaliya kula wareegayso masuuliyadda sugidda amniga dalka.

Dhanka kale, Wasiirada ayaa isla gartay in baaris lagu sameeyo sababaha keenay iyo xaaladaha ku xeeran geerida muwaadiniin Soomaaliyeed oo 5 ahaa, kuwaas oo ku geeriyoodey xuduudda u dhexaysa dalalka Turkiga iyo Giriigga.

Wasiirka Arrimaha Dibadda xilgaarsiinta ayaa uga mahad celiyey dowladda Turkiga taageerada ay la garab taagan tahay Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed, isaga oo la wadaagay dareenka farxadeed ee shacabka Soomaaliyeed ay ka muujinayaan bogsashada Madaxweyne Recep Dayyip Erdogan iyo Marwada Koowaad Marwo Emine Erdogan oo dhowaan ka soo kabsaday xanuunka COVID-19.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here