Mareykanka oo Muwaadiniinta ka joogta Ukraine u qabtay in ay uga baxaan 48 saac.

0
346

Mareykanka oo Muwaadiniinta ka joogta Ukraine u qabtay in ay uga baxaan 48 saac.

La-taliyaha Amniga Qaranka ee Mareykanka Jake Sullivan ayaa sheegay in Ruushka uu isku daba-riday Ciidamo awood ahaan u diyaarsan in ay duullaan ku qaadaan Ukraine iyo dalalka kale ee garabka siinaya.

Sullivan Waxa uu intaas ku daray in Ruushka uu xoojiyay awooddiisa militari iyo dhaqdhaqaaqa uu kawada Bariga Qaaradda Yurub oo todobaadyadii u dambeeyay halka dhoolatus uu ku sameeyay Dalka Belarus.

Mareykanka ayaa muwaadiniinta ka joogta Ukraine u qabtay 48 saac in ay uga baxaan maadaama ay suuragal tahay in Ruushka uu qaado duullaan ka dhan ah Xukuumadda Kiev oo ay isku heystaan dhul dhaca xadka labada Dal.

Mareykanka ayaa sheegay in Ciidamo dheeraad ah oo gaaraya 3,000 oo lagu xoojinayo Isbaheysiga NATO kuwaas oo saldhiganaya Poland si ay u muujiyaan cududa gaashaanbuurta Ameerikaanka uu u adeegsado kahortagga awoodda Ruushka.

La-taliyaha Amniga Qaranka Mareykanka Jake Sullivan ayaa sheegay in duullaanka Ruushka uu ka billaaban karo duqeyn cirka ah oo haddii ay dhacdo joojin doonta duullimaadyada Dalkaas sidaasina ay u go’doomi karaan muwaadiniinta ku sugan Ukraine.

Ruushka ayaa in ka badan 100,000 (Boqol kun oo askari) geeyay xadka uu la wadaago Ukraine si uu u qalqalgeliyo Kiev & Xulufada Mareykanka ee garab taagan balse Moscow waa ay beenisay eedeyntaas iyada oo ku tilmaamtay ka badbadin Washington soo abaabushay.

UK, Canada, Netherlands, Latvia, Japan & Kuuriyada Koofureed ayaa muwaadiniintooda ugu baaqay in ay isaga baxaan Ukraine si aanay go’doon ugu noqon, Mareykanka ayaa ku biiray liiska dalalkaas muwaadiniinta kala baxaya Ukraine.

Dhanka kale, Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa maanta la hadlaya dhiggiisa Ruushka Vladamir Putin si uu u sameeyo isu day kale oo xal aan xabad ahayn loogu raadinayo xiisadda ka dhalatay xadeysiga Xadka ay wadaagaaan Ruushka iyo Ukraine.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here