Qarax geystay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Isgoyska Ceelgaabta ee Magaalada Muqdisho.

0
601

Qarax geystay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Isgoyska Ceelgaabta ee Magaalada Muqdisho.

Waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay Qarax si weyn Jugtiisa looga Maqlay degmooyinka Gobalka Benaadir kaas oo ka dhacay Isgosyka Ceelgaabta oo ah bar kontarool oo laga ilaalsho Jidka gala Madaxtooyada.

Qof walaxa qarxa isku soo xiray ayaa isku qarxiyay Gaari Bas ah oo waday Ergada dooraneysa Qaar ka mid ah Xildhibaanada Goballada Waqooyi ee ku matala Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kuwaas oo doorashadooda ay ka socota Muqdisho.

Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sheegay in qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa uu isku qarxiyay Isgoyska Ceelgaabta ee Magaalada Muqdisho.

Markii uu qarax dhacay ayaa waxaa goobta gaaray Ciidanka Booliska, wararka naga soo gaarayo ayaa sheeegay in uu jiro qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac balse aan la soo gudbin tirade rasmiga ah.

Isgoyska Ceelgaabta ee Degmada Xamar jajab ayaa aad loo adkeeyay amaankiisa Saakay, asiga oo loo xiray doorashada Xildhibaanada Goballada Waqooyi taas oo ka socota Dugsiga Tawabarka Ciidan ee Generaal Kaahiye.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here