Shil Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac Oo Ka Dhacay Duleedka Garoowe

0
286

Shil Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac Oo Ka Dhacay Duleedka Garoowe

Faah faahino ayaa kasoo baxaya shil khasaaro dhaliyey oo xalay ka dhacay inta u dhexeeysa Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland iyo tuulada Birta dheer oo ka tirsan Gobolka Nugaal.

Dad ayaa waxaa ay ku warrameen in shilkaas dhacay uu si gaar ah uga dhacay halka lagu magacaabo dalcadda Rabaable, waxaana shilka uu ka dambeeyay, kadib markii ay isku dhaceen gaari xamuul ah iyo gaari yar oo nooca raaxada ahaa, xili ay iska horyimideen.

Inta la xaqiijiyay laba ruux oo rag ah ayaa ku geeriyooday shilka, halka Nin iyo qof Haweeney ahna ay ku dhaawcmeen, isla markaana waxaa laba ruux ee dhaawacmay la geeyay Xarun Caafimaad, sidoo kalena goobta laga qaaday Meydadka dadka dhintay.

Saraakiisha Ciidamada Taraafikada Gobolka Nugaal ayaa warbaahinta u sheegay in dhammaan dadka waxyeelada gaartay ay saarnaayeen gaariga yar ee raaxada ahaa, kaasi oo ku dhacay gaariga weyn, xili ay iskaga horymideen dalcadda Rabaable.

Shilal sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa dhowr jeer oo horey ka dhacay gudaha iyo duleedka Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland, waxaana inta badan shilalka sababay gaadiidka oo xawaare loo kaxeeyo iyo waddooyinka qaar oo burbursan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here