DFS iyo Midowga Afrika oo Bayaan ka soo saaray Joogitaanka AMISOM ee Soomaaliya.

0
242

DFS iyo Midowga Afrika oo Bayaan ka soo saaray Joogitaanka AMISOM ee Soomaaliya.

Waxaa Magaalada Muqdisho uga socday Shir todobaadyadii la soo shaafay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Midowga Afrika kaas oo ay kasoo saareen bayaan wadajir ah oo looga hadlayay howlgalka Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Shirkaas ayaa lagu lafa Gurayay qorshiha Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed ay ugala wareegi lahaayeen masuuliyada amniga Guud Ee dalka Ciidamadda AMISOM, ayaga oo isku raacay in loo badalo magaca qorshaha cusub ee lagu hawlgalaayo ATMIS (AU Transitional Mission to Somalia) halka uu horey u ahaa AMISOM.

Shirka ayaa waxaa Kasoo qeybgalay Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya Cabdukhaadir Maxamad Nuur, Wasiirka wasaaradda Cadaaladda Xassan Xaaji iyo koox qubaro amniga ah oo ka socotay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. Waxaa kale oo shirka Kasoo qeybgalay Wakiilo kasocday Ururrada UN, AU, EU Shirka ayaa Gunaanad u ahaay  shirar badan oo Horay uga dhacay Muqdisho, Addis Ababa iyo Cairo.

Warmurtiyeedka laga soo saaray ayaa diiradda lagu saaray saaray Shaqooyinka u qabsoomay AMISOM iyo kuwa weli horyaalla aan u qabsoomin.

Warmurtiyeedka oo ka koobnaa illaa labo Bog ayaa ah:

  1. Kaddib markii la soo-dhoweeyay wafdiga Midowga Afrika (AU), Qarammada Midoobay (UN) iyo Midowga Yurub (EU) dooddaha farsamo ee Kooxda Afarta Xubnood ah iyo wadahadallada la qabtay 28ka Janaayo 2022 ilaa 9ka Febraayo 2022 ee horumarinta Fikirka Hawlgallada, Warbixinta Wadajirka ah Xulashooyinka Taageerada Saadka ee Hawlgalka Cusub Ku Meel Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya.
  2. Kaddib markii la xusay geesinnimada iyo naf-hurnimada ciidammada AMISOM iyo Ciidammada Amniga Soomaaliya nafta u hureen la dagaallanka Al-Shabaab, isla markaasna la ammaanay doorka AMISOM iyo kan dalalka aynciidamada ka joogaan Soomaaliya ee lagu dhisayo Soomaaliya oo xasilloon oo nabad ah.
  3. Kaddib markii la soo-dhoweeyay khariidad-hawleed ay diyaariyeen Kooxda Afarta Xubnood ee CONOPs-ka, Warbixinta Wadajirka ah iyo Xulashooyinka Taageerada Saadka ee Hawlgalka Cusub Ku Meel Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo xaqijinta muhiimadda ay leedahay in la raaco jadwalka iyo habraacyada dhammaystirka CONOPs-ka, Warbixinta Wadajirka ah iyo Xulashooyinka Taageerada Saadka ee ku jira khariidad-hawleedka lagu heshiiyey ee Kooxda Afar-Geesoodka ah.
  4. Kaddib markii la aqoonsaday heshiiskii hore ee farsamo ee DFS iyo MidowganAfrika ay ku kala saxiixdeen Addis Ababa 21ki Janaayo 2022 ee ku saabsanaa cabbiraadda iyo ujeeddooyinka istaraatijiyadeed ee mustaqbalka ee Hawlgalka Ku Meel Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya, iyo in la xuso ka qayb-galka kulanka is-waraysiga ee Qaahira ee ku saabsanaa Hanka Soomaaliya ee 2021 kabdib ee agaasintay Xarunta Caalamiga ah ee Qaahira ee Xallinta Khilaafaadka, Nabadaynta iyo Nabaddhiska.
  5. Kaddib markii la isku raacay horumarka laga sameeyey diyaarinta qabyo-qoraalka CONOPS-ka, qabyo-qoraalka Warbixinta Wadajirka ah iyo qabyo-qoraalka Xukashooyinka Taageerada Saadka ee Mugdisho intii u dhaxeysay 29kii Janaayo 2022 ilaa 9ka Febraayo 2022 in ay waafaqsan tahay Khariidada lagu heshiiyey ee Kooxda Afar-Geesoodka ah.
  6. Kaddib markii loo mahad-celiyay saaxiibada caalamka taageerada ay siiyeen AU, AMISOM iyo DFS 14kii sano ee la soo dhaafay dadaallada lagu xoojinayo nabadda Soomaaliya.
  7. Kaddib markii la isla oggaaday in hawsha Kooxda Farsamada Affar-Geesoodka ah (Quartet) loo gudbin doono Madaxda Sare ee Quartet-ka si loo tixgeliyo.
  8. Maxaa Xigayo? Kooxaha Farsamada Afar-Geesoodka ah waxay ku heshiiyeen sida hoos ku xusan:
  • Gudbinta qabyo-qoraalka CONOPs-ka, qabyo-qoraalka Warbixinta Wadajirka ah iyo qabyo-qoraalka Xulashada Taageerada Saadka ee Shirka Heerka Madaxda Sare ee Quartet-ka waxaa la qorsheeyay inta dhaxayso 14ka ilaa 18ka Febraayo 2022 si loo tixgeliyo.
  • Gudbinta qabyo-qoraalka CONOPs-ka, qabyo-qoraalka Warbixinta Wadajirka ah iyo qabyo-qoraalka Xulashada Taageerada Saadka ee Shirka Heerka Madaxda Sare ee Quartet-ka waxaa la qorsheeyay inta u dhaxayso 21ka ilaa 5ka Febraayo 2022 si loo oggolaado.
  • Gudbinta qoraalka kama dambaysta ah ee saddexda nuqul ee Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika iyo Golaha Amniga Qarammada Midoobay waa ugu dambayn 7da Maarso 2022 si loo tixgeliyo loona meelmariyo 31ka Maarso 2022.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here