RW Rooble & Danjiraha Sacuudiga u fadhiya Soomaaliya oo ka wada hadlay sidii gurmad loola soo gaari lahaa dadka ay abaartu saameysay

0
384

RW Rooble & Danjiraha Sacuudiga u fadhiya Soomaaliya oo ka wada hadlay sidii gurmad loola soo gaari lahaa dadka ay abaartu saameysay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya Axmed Bin Muxamed Saalix Almuwalad.

Kulanka Rooble iyo Safiirka Sacuudiga ayaa looga hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal iyo sidii Abaaraha wax loogu qaban lahaa.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Wasiirka koowaad ee Xukuumadda oo lagu yiri “ Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya Axmed Bin Muxamed Saalix Almuwalad oo ay ka  wada hadleen xiriirka soo jireenka ah ee labada dal ee walaalaha ah iyo sidii loo sii horumarin lahaa.”

dhinaca kale kale Ra’iisul Wasaaraha iyo Danjire Muwalad, ayaa ka wada hadlay xaaladda abaarta ka jirta Soomaaliya iyo sidii dowladda Sacuudigu uga qeyb qaadan lahayd gurmad lala soo gaaro dadka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay, sida lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Kulanka uu Rooble uu la yeeshay Danjiraha Sacuudiga u fadhiya Soomaaliya ayaa ku soo aadaya xilli uu Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu kulamo looga hadlayo gurmadka abaaraha  uu la yeeshay qaar ka mid ah Ganacsatada, Culamaa uddiinka iyo  Safiirada waddamada Caalamka ee u fadhiya Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here