10 ruux way geeriyootay halka ay guryahooda ay ka barakaceen 48,000 kaddib duufaan ku dhufatay Madagascar

0
476

10 ruux way geeriyootay halka ay guryahooda ay ka barakaceen 48,000 kaddib duufaan ku dhufatay Madagascar

Ugu yaraan 10 ruux ayaa geeriyootay halka ay gurhayooda isaga barakaceen in ka badan 48,000 oo qof kaddib markii Duufaanta Batsirai ay ku dhufatay Magaalada Ambalavao oo 460 KM dhanka Koofureed uga beegan Caasimadda Dalkaas ee Antananarivo.

Duufaanta waxa ay saacaddiisa ay jareysay masaafo dhan 165 KM sida uu sheegay Xafiiska la socodka Musiibooyinka iyo maarteynta Khatarta ee Jasiiradda Madagascar oo faah-faahin ka bixiyay xogta uu ka helay Duufaantaan.

Labo todobaad gudahood waa duufaantii labaad ee ugu weyneed oo ku dhufatay Badweynta Hindiya, Saraakiisha Dowladda Madagascar ayaa digniin u diray Dadka ku safra Badda oo halis kala kulmi kara Dabeysha xooggan ee Duufaantu wadato.

“Magaalada Mananjary waa ay baaba’day, meel kasta oo aad ka tagtid waxa ay indhahaagu qabanayaan burbur xooggan, Xaaladdu waa halis oo khasaaraha wuu badan karaa maadaama burburka Dhismaha laga hoos raadinayo Dad suuragal ay tahay in ay ku dumeen” Sidaasi waxaa AFP u sheegay qof kamid ah Dadka Deegaanka.

Magaalada Nosy Varika waxaa gaaray burbur xooggan waxaana dumay dhismihii adkaa, Dadka deegaanka waxaa ku dhacday Hoy la’aan, balse waaxda qaabilsan la socodka Cimilada ayaa ku dooday in digniin ay bixisay laga soo qaaday waxba kama jiraan.

“Magaalada Nosy Varika 95% waa ay duntay waxaaba moodaa in la duqeeyay, Guryihii Adkaa qaarkood way burbureen halka kuwa kale sanqafka ay ka haatisay Dabeysha oo ahayd mid xooggan” ayuu yiri Qof kamid ah Dadka Deegaanka Nosy Varika.

Jamhuuriyad Jasiiradeedka Madagascar waxa ay dhacdaa Badweynta Hindiya, qiyaastii 400KM ayay u jirtaa Bariga Afrika gaar ahaan marinta Mozambique, Diiwaangelinta Bangiga adduunka uu sameeyay waxa uu ku bulshada Dalkaas ku sheegay 27.69 Milyan oo ruux.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here