Ciidamada DANAB Oo Howgallo Qorsheysan Ka Fuliyay Gobolka Jubbada Hoose

0
296

Ciidamada DANAB Oo Howgallo Qorsheysan Ka Fuliyay Gobolka Jubbada Hoose

Ciidanka kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee DANAB, gaar ahaan ururka 5-aad ayaa howlgal qorsheysan oo ka dhan ah Al-Shabaab ka fuliyay degaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Saraakiil ka tirsan ciidanka DANAB ayaa warbaahinta u sheegay in ujeedka howlgalka uu ahaa burburinta goobo ay Al-Shabaab ku lahaayeen degaano ka tirsan gobolka, waxayna ciidamadu ku guuleysteen inay xaqiijiyaan ammaanka deegaanadii ay gaareen, waa sida uu sheegay Sarkaal ka tirsan Ciidanka DANAB.

Deegaanada kala ah Sanguuni, Muuse Xaajji, Arraare iyo Koban oo dhamantood ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ayey ciidamadu cagta mariyeen.

Ciidanka Kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee DANAB ayaa si joogto ah howlgallo kala duwan uga fuliya degaanada fog-fog ee gobollada koonfurta Soomaaliya, waxayna inta badan degaanadaasi ka dhaca, iska hor imaadyo dhex mara iyaga iyo Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here