Shirweynaha Midowga Afrika Oo Maanta Furmaya Iyo Farmaajo Oo Ka Qeyb Galaya

0
330

Shirweynaha Midowga Afrika Oo Maanta Furmaya Iyo Farmaajo Oo Ka Qeyb Galaya

Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya ayaa Maanta oo sabti ah waxaa lagu wadaa inuu ka furmo Shirweynaha 35-aad ee Ururka Midowga Afrika, xili weli Magaaladaas ay kusii qulqulayaan Madax farabadan oo lagu casuumay Shirka.

Shirweynahan oo ay ka qayb galayaan Hoggaamiyeyaasha Dalalka Afrika iyo madax kale, ayaa waxaa inta uu socdo looga hadli doonaa oo diirada lagu saarayaa dib-u-habaynta Ururka Midowga Afrika iyo hirgelinta hiigsiga Ururka ee sannadda 2063.

Sidoo kale meertada 35-aad ee Shirweynaha Ururka Midowga Afrika ayaa looga arrinsadan doonaa wax ka qabashada caqabaha kala duwan ee ay Qaaraddu wajahayso oo ay ugu horreeyaan rabshadaha, saboolnimada, cunno yarida iyo cudurka COVID-19.

Hoggaamiyeyaasha dalalka Afrika ee ka qeyb galaya Shirweynaha ayaa waxaa kamid ah Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo shalay gaaray Magaalada Caasimadda ah ee Addis Ababa.

Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda kale ayaa Shirweynaha Ururka Midowga Afrika ka jeedin doona khudbado ay uga hadlayaan Arrimo kala duwan oo ku aadan rabshadaha, iyo saboolnimada ee Gobolka, sidoo kalena Madasha ay ka hadli doonaan Madax kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here