Dacwad Lagu Soo Oogay Haweeney Soomaali Oo Canug Ay Dhashay Uga Tagtay Goob Ganacs

0
299

Dacwad Lagu Soo Oogay Haweeney Soomaali Oo Canug Ay Dhashay Uga Tagtay Goob Ganacs

Haweeney Soomaali ah oo lagu magacaabo Faaduma Maxamed Nuuriye ayaa Canug yar oo ay dhashay oo jira sannad iyo saddex bilood uga tagtay dukaan ku yaalla Magaalada Columbus ee dalka Mareykanka, waxaana Haweeyneyda lagu soo ooga dacwad.

Ciidanka Booliska Magaalada Columbus ee Gobolka Ohio ayaa sheegay inay Faaduma Maxamed oo 20 sanno jir ah ku soo oogeen dacwad ah in ay halis gelisay nolosha wiilkeeda yar oo ay dukaan uga dhaqaaqday.

Booliska Gobolka Ohio ayaa abaaro 7:45 habeenimo xalay gacanta kusoo dhigay Haweeneyda Soomaalida ah ee dukaanka uga dhaqaaqday Canugeeda, kaddibna waxaa la geeyay Saldhiga Booliska Columbus.

Laamaha amniga ayaa su’aalo weydiiyay Faaduma Maxamed Nuuriye oo ku eedeeyeen inay wiilkeeda yar ka tagtay, isla markaana waxaa Booliska ay Faaduma kusoo oogeen dacwad la xiriirta khatarta ay gelisay wiilka yar.

Sababta ku kaliftay Faaduma Maxamed inay wiilkeeda goob dukaan ah oo gaaskana laga gato uga takto weli lama shaacinin, Ciidamada Booliska ayaana shalay baadi-goob ugu jiray sidii ay ku heli lahaayeen waalidka wiilka yar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here