Madaxweyne Ku-Xigeen Hore Ee Mareykanka Oo Jawaab Adeg Siiyay Donald Trump

0
284

Madaxweyne Ku-Xigeen Hore Ee Mareykanka Oo Jawaab Adeg Siiyay Donald Trump

Mike Pence, ayaa sheegay in Donald Trump uu ku khaldanaa inuu isku dayo inuu hor istaago guushii Madaxweyne Joe Biden uu ka gaaray doorashadii madaxtinimada ee 2020-kii.

Mr Trump ayaa dhawaan ku celiyay eedaha aanay waxba ka jirin ee uu hore u sheegi jiray, ee ahaa in doorashada lagu shubtay. Afar qof ayaa ku dhintay intii ay rabshaduhu socdeen, waxaana maalintii xigtay ku dhintay askari boolis ah isagoo difaacaya dhismaha.

Isagoo ka hadlayay magaalada Orlando ee gobolka Florida, Pence ayaa ka jawaabayay hadaladii Mr Trump ee Axadii ee ahaa inuu ka hor istaagi karay doorashada hadii uu rabo. Trump ayaa sheegay in doorashada uu xaday madaxweyne Biden.

Pence ayaa sidoo kale sheegay in madaxweyne ku xigeenka haatan aysan xaq u yeelan doonin inay natiijada doorashada ka hor timaaddo marka aan ka badino doorashada soo socota ee sannadka 2024-ka.

Dhanka kale Xisbiga Jamhuuriga ee Maraykanka ayaa dhaleeceeyay laba xubnood oo ka tirsan Congress-ka ka dib markii ay ka qaybqaateen baaritaanka weerarkii dhismaha Capitol ee ay sannadkii hore ee ay ku keceen taageeraysha Trump.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here