Dowladda Soomaaliya Oo Shan Dal Ka Dalbatay Inay Ku Taageeran Kamid Noqoshada Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika

0
291

Dowladda Soomaaliya Oo Shan Dal Ka Dalbatay Inay Ku Taageeran Kamid Noqoshada Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Xukuumadda Soomaaliya ee xilgaarsiinta Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya kaga qayb galay furitaanka Kalfadhiga 40-aad ee Golaha Fulinta ee Shir-madaxeedka 35-aad ee Midowga Afrika.

Shirweynaha ayaa waxaa looga hadlayey wax ka qabashada saamaynta Cudurka halista ah ee Covid-19, Amni xumada, xasilooni darrada, iyo horumarka dhaqan-dhaqaale ee Qaaradda Afrika.

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka hadlay kulanka ayaa tilmaamay saamaynta dhaqan-dhaqaale ee cudurka COVID-19 uu ku reebay guud ahaan Qaaradda Afrika iyo muhiimadda ay leedahay in la iska kaashado in wadajir looga soo kabsado saamaynta taban ee cudurkan.

Wasiir Cabdisaciid Muuse ayaa soo bandhigay guulaha la taaban karo ee ay dowladda Federaalka Soomaaliya kaga tallaabsatay la dagaallanka waxa loogu argagixisada, xasilinta dalka, ka hortagga cudurka COVID-19 iyo sida ay dowladda Soomaaliya diyaar ugu tahay in dalalka Afrikaanka ah ay iskaashi buuxda kala yeelato sidii wax looga qaban lahaa dhammaan khataraha ay wajahayso Qaaraddu.

Intii lagu guda jirey kulanka, wasiirka Arrimaha Dibadda Cabdisaciid Muuse Cali ayaa Kulan doceedyo iyo wada hadallo gaar ah la yeeshay Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Dalalka Algeria, Burundi, Botswana, Namibia iyo Madagascar, isaga oo kala hadlay iskaashiga iyo wax wada qabsiga dalalka Qaaradda iyo taageeridda Soomaaliya ee ku aaddan xubinnimada Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika oo doorashadiisu ay dhowaan dhacayso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here