Dad inay dhinteen lagu xisaabiyay oo dib usoo naaxay

0
233

Dad inay dhinteen lagu xisaabiyay oo dib usoo naaxay

Toddobo carruur ah oo xaalad aad u xun galay ayaa dib usoo naaxay ka dib markii dhammaantood uusan wadnahooda shaqeyneynin muddo dhowr saacadood ah, dhacdadan ayeyna dhakhaatiirta ku tilmaameen mid mucjiso ah, islamarkaana ahayd tii ugu weyneyd ee nooceeda soo martay dunida.

Haddaba sidey ku dhacday qisada ku saabsan carruurtaas?

Sanadkii 2011-kii, safar dalxiis ah oo loo qaaday arday u dhalatay waddanka Denmark ayaa u khaldamay si musiibo ah.

Koox carruur ah oo safarkaas ku jirtay ayaa ku dhex dhacay biyo baraf ah, waxaana la sheegay ‘inay dhinteen’. Dhammaan wadeyaashoodu waxay shaqada joojiyeen muddo dhowr saacadood ah.

Laakiin sidaasoo ay tahay, 7-dii cunugba dib ayuu wadnahooda u shaqeeyay, nolol caadi ah ayeyna kusoo laabteen.

Gabar iyo wiil lagu kala magacaabo Katrine iyo Casper, oo ka mid ahaa carruurta dhibaatadaas la kulmay ayaa sheekadooda qeyrul-caadiga ah uga warramay BBC-da.

Katrine: “Ilaa hadda waan xasuustaa. Wuxuu ahaa qabow daran oo qofka baraf ka dhigaya, anigana waxaan ku dhex jiray biyaha qabowga badan.

Gabdhan iyo 12 arday oo ay isku fasal ahaayeen ayaa soo raacay safarka dalxiiska ee iskuulka, oo ay badda ku galeen.

Casper: “Jawigu wuxuu ahaa mid adag, waxaana socotay dabeyl badan, doontii ayaa rogmatay annagoo bartamaha uga jirna badda, ka dibna dadkii oo dhan way ka daateen.

Katrine ayaa mar ay ka hadleysay xilligii ay doonta biyaha ku rogmatay waxay tiri: “Aniga waxaan galay doonta hoosteeda, kadib waxaan imid biyaha dushooda, halkaas ayeyna xaaladda adag iiga billaabatay. Qof walba wuu qeylinayay wax walbana waxay u muuqdeen sidii inaysan run ahayn oo kale. Macallimiintii nala socotay ayaa noo sheegay inaan ku khasban nahay inaan dabaalanno haddii kale aan dhimaneyno.

Biyaha ay carruurtan ku daateen heerkulkoodu xilligaas wuxuu ahaa labo degrees Celsius(waana heer aad u qabow).

Meesha ay doontu ku rogmatay waxay boqollaal mitir ka fogeyd dhulka xeebta.

Casper: “Aniga ma dabaalan karin, mid ka mid ah saaxiibbadey ayaa ii yimid, wuxuuna isku dayay inuu i caawiyo, laakiin muddo gaaban ka dib waxaan u dhintay caafimaad ahaan, sababtoo ah qabowga biyaha wuxuu ahaa mid xad-dhaaf ah”.

Casper wadnihiisu wuxuu joojiyay shaqada. Wuxuu ka mid ahaa 7 carruur ah oo lagu xisaabiyay inay geeriyoodeen, maadaama dhammaantood wadneyaashoodu ay istaageen.

Laakiin Katrine waxaa u suurtagashay inay dabaalato. Inkastoo jirkeeda uu aad ugu daciifay qabowga ay ku dhex jirtay, haddana waxay gaartay xeebta.

Balse waxay is aragtay iyadoo ku dhex lunsan keyn cidlo ah.

“Socodku aad buu iigu adkaa runtii, sababtoo ah lugaheygu wax awood ah ma lahayn. Mar walba intaan kufo ayaan haddana kacayay, halkaas markey xaaladdu mareysayna waxaan is iri: ‘ hadda waan dhimanayaa marka’, laakiin ugu dambeyn waxaan arkay nin, taasna waxaan uga mahadnaqayaa ilaah”, ayey tiri Katrine.

Marka ay dhakhaatiirtu gaareen goobta ay doonta ku qallibantay, carruurtu geeri ku xisaabsanaayeen muddo 2 saacadood ah.

“Qabow badan ayey dareemeen, wayna barafoobeen. Marka aad sidooda oo kale u qabowdid waxaan dhakhaatiir ahaan ognahay inaan dib kuusoo naaxin karno. Markaas way dhinteen laakiin dhimashadii kama dambeysta ahayd ma aysan dhimanin, walina fursad ayaan heysannay”, ayuu yiri Dr Michael Jaeger Wansche.

Xaaladda qabowga uu uu keenay ee sababtay inay carruurta wadneyaashoodu istaagaan ayaa sidoo kale xannibtay dhammaan howlihii kale ee xubnaha jirkooda.

Taasi micnaheedu waxay tahay in xubnaha oo dhan ay dib shaqada u billaabi karaan marka ay diirrimaad helaan.

Lix saacadood ka dib markii uu shilka dhacay, dhammaan carruurtii wadneyaashooda ayaa dib u billaabay shaqada.

Arrintan waxay ahayd mid lagu wada farxay, maadaama dhammaan qoysaskooda iyo qaraabadooda ay ku sugayeen isbitaalka bannaankiisa.

Laakiin arrinta kale ee aad looga cabsi qabay waxay ahayd inay waxyeello aan kasoo kabasho lahayn maskaxda ka gaarto, taasna way ka badbaadeen, iyadoo xitaa sida looga badbaado ay aad u adagtahay, sida ay seynisyahannada caafimaadku sheegeen.

bbcsomali

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here