Raysal Wasaare Rooble Oo Maanta La Kulmaya Madaxda Imaaraadka Carabta

0
590

Raysal Wasaare Rooble Oo Maanta La Kulmaya Madaxda Imaaraadka Carabta

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo xalay ku hoyday waddanka isutagga Imaaraadka Carabta ayaa waxaa la filayaa in uu Maanta halkaasi kula kulmo Madax katirsan Imaaraadka Carabta oo uu kala hadli doono Arrimo badan oo ku saabsan Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta uu Ra’iisul Wasaaraha la kulmayo ayaa waxaa kamid ah Amiirka Waddanka Imaaraadka Carabta Sheekh Maxamed Bini Sayed Al-nahyan iyo Xubno kale oo ka tirsan Dowladda Wadankaasi Imaaraatka Carabta, iyaga oo ka wada hadli doona xoojinta xiriirka u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah iyo sidii loo sii horumarin lahaa.

Sidoo kale Wasiirada Amniga iyo Waxbarashada ee Cabdullaahi Maxamed Nuur iyo Cabdullaahi Carab oo kamid ah wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ay kulamo doceedyo la qaadan doonaan Xubno kamid ah Golaha Wasiirada Soomaaliya, iyaga oo kala hadli doona Arrimo kusaabsan Soomaaliya.

Dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaan wax xiriir ah laheyn tan iyo Sanadkii 2018-kii, waxuuna dib u soo laabtay markii 7-dii bishaan Janaayo uu dowladda Imaaraadka Carabta ka raali galiyay Ra’iisul Wasaaraha dhacdadii bishii April 2018 ay dowladda Soomaaliya kula wareegtay lacag ka timid Imaaraadka oo laga soo dejiyey garoonka Aadan Cadde, isaga oo Imaaraadka u ballan-qaaday in lacagtaasi oo wali ku jirta gacanta dowladda Soomaaliya dib loogu celin doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here