Dilal Kala Duwan Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho Iyo Faahfaahino Ka Soo Baxaya Dilalkaasi

0
345

Dilal Kala Duwan Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho Iyo Faahfaahino Ka Soo Baxaya Dilalkaasi

Kooxo hubeysan ayaa siyaabo kala duwan Saacadihii la soo dhaafay waxaa ay dilal qorsheysan xalay uga geysteen Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya.

Dilka koowaad ayaa Kooxo ku hubeysnaa bustoolado ayaa waxaa ay Xaafada Seybiyaano ee degmada Hodan ugu geysteen Askari ka tirsan Guutada 17aad ee Ciidamada Gorgor, iyaga oo dilka kadib goobta ka baxsaday.

Askariga la dilay ayaa kayimid Xerada Ciidamada Gorgor ee kutaalla Agagaarka Isgoyska Tarabuunka, waxaana la toogtay xilli uu ka degay Mooto Bajaaj oo uu sii galaya Gurigiisa, waxaana dad yaqaanay ay sheegeen in uu mardhow guursaday.

Dhinaca kale rag ku hubeysnaa Tooreey ayaa Xaafada Xoosh oo katirsan degmada Dharkeenleey ee Gobolka Banaadir waxaa ay kudileen Wiil Dhalinyaro ah oo kamid ahaa dadka kunool Xaafadaas.

Wiilka oo lagu Magacaabi jiray Khaalid Cabdixamiin Macalin Cali, waxaana la sheegay in ragga dilka u geystay ay Wadnaha Tooreey kaga dhufteen, iyaga oo ka qaatay taleefoonkiisii Gacanta.

Magaalada Muqdisho ayaa todobaadyadii la soo dhaafay waxaa ka dhacayay dilal qorsheysan oo isugu jiray kuwo ay ka dambeeyeen Kooxo Burcad ah oo dadka dhac u geysanayay iyo kuwo ay mas’uuliyadeeda sheegteen Ururka Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here