Maamulka Puntland Oo Amaro Cusub Kasoo Saaray Amniga Magaalada Garoowe

0
323

Maamulka Puntland Oo Amaro Cusub Kasoo Saaray Amniga Magaalada Garoowe

Guddiga amniga Gobolka Nugaal ee Maamulka Puntland ayaa soo saaray Amaro lagu xaqiijinayo amniga Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulkaas oo Maanta lagu wado inay ka dhacdo doorashada kuraasta ugu horreeysa ee Golaha Shacabka.

Guddiga amniga Gobolka ayaa faray Ciidamada ammmaanka qeybahooda kala duwan ee sugaya amniga Caasimadda inay qabtaan qofkii Qori wata oo aan ka tirsaneynin Ciidamada howsha ku jira ee ilaalinaya ammaanka.

Amarka ay soo saareen Guddiga amniga ayaa waxaa lagu mamnuucay in gaadiid aan aheyn kuwa ay ku howlgalayaan Ciidamada aan lagu dhex arkin karin gudaha Magaalada, waxaana gaadiidleyda loo sheegay inay qaataan amarkaas.

Sidoo kale Guddiga ayaa shacabka Magaalada Garoowe ugu baaqay inay la shaqeeyaan laamaha amniga, si looga hortego qof kasta oo isku dayda inay sameeyso falal amni darro, isla markaana shacabka la faray inay lasoo wadaagan hay’addaha amniga.

Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland ayaa Maanta oo sabti waxaa lagu wadaa inay ka dhacdo doorashada kuraastii ugu horreeysay ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here