Banaanbax Ballaaran Oo Lagu Taageerayo Baarlamaanka UK Oo Ka Socda Hargeysa

0
282

Banaanbax Ballaaran Oo Lagu Taageerayo Baarlamaanka UK Oo Ka Socda Hargeysa

Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland gaar ahaan baarta Xorriyadda ee Magaaladaas ayaa waxaa ka socda Banaanbax ballaaran oo lagu taageerayo doodii Baarlamaanka Ingiriiska ka yeeshay aqoonsiga Somaliland.

Boqolaal dadweyne ah oo isugu jira Ardayda Iskuulada, Haween, dhalinyaro iyo Odayaal ayaa saaka isugu soo baxay baarta Xorriyadda Hargeysa, iyagoona banaanbaxooda ku taageerada Baarlamaanka Ingiriiskan oo dood ka yeeshay aqoonsiga Somaliland.

Qaar kamid ah banaanbaxayaasha ah ayaa waxaa ay sheegeen inay Xildhibaanada Ingiriiska uga mahadcelinayaan dooda ay ka yeesheen Arrintooda, isla markaana Xildhibaan Gavin Williamson uu sharaxay horumarka ay ku tallaabsatay dhinacyada amniga iyo dimuqradiyadda.

Dadka ka qeyb galaya banaanbaxa ka socda baarta Xorriyadda Magaalada Hargeysa ayaa waxaa kamid ah Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdullaahi Seylici, Wasiiro, Xildhibaano iyo Mas’uuliyiin kale.

Xildhibaan Gavin Williamson oo ka tirsan Baarlamaanka Ingiiriska ayaa Baarlamaanka dalkaas horgeeyay Mooshin ku saabsan aqoonsiga Somaliland, wuxuuna Gavin sharraxaad dheer ka siiyey horumarka ay Somaliland ku tallaabsatay dhinacyada amniga iyo dimuqradiyadda, arrima badan u soo daliishaday sababta uu u doonayo inay UK u aqoonsato Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here