Macalimuu Oo Loo Qadayo Dalka Dibaddiisa Kadib Qaraxii Shalay Lala Beegtay

0
334

Macalimuu Oo Loo Qadayo Dalka Dibaddiisa Kadib Qaraxii Shalay Lala Beegtay

Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya oo ku dhaawacmay qarax lala beegsaday gaarigiisa ayaa daaweyn loogu qaadayaa dalka dibaddiisa gaar ahaan dalka Turkiga.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lags oo xigtay  in macalimuu saacadaha soo aaddan loo qaadayo dalka dibaddiisa,si loola taacaalo xaaladdiisa caafimaad.

Dhaqaatiirka ku howlan la taacalidda xaaaldda Caafimaad ee Afhayeenka Xukuumadda maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa sheegay in xaaladdiisu ay soo hagaageyso.

Dhanka kale raysal wasaare Rooble ayaa xalay Isbitaalka Digfeer ku booqday Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimuu oo la sheegay in haatan ay xaaladiisu soo hagaageyso.

Maxamed Ibraahim Macallimuu ayaa afar goor oo hore ka badbaaday qaraxyo iyo weerarro ka dhacay goobo uu ku sugnaa oo ku yaalla magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here