Xiisad Colaadeed Oo Maanta Ka Taagan Degaan Ka Tirsan Gobolka Sanaag Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

0
431

Xiisad Colaadeed Oo Maanta Ka Taagan Degaan Ka Tirsan Gobolka Sanaag Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Xiisad Colaadeed oo u dhexeeysa laba maleeshiyo beeleed ayaa Maanta oo Jimco ah waxaa ay ka taagan tahay tuulo lagu magacaabo Ood-la oo hoostagta degaanka Damalla-xagarre ee Gobolka Sanaag.

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in gelinkii dambe ee shalay Maleeshiyaad hubeysan ay qabsadeen tuulada Ood-la, iyagoona aasay barkado ku yaallay tuulada, sidoo kalena burburiyey dhismayaal.
Xiisada taagan ayaa dadka deegaanka qaarkood sheegayaan in laga cabsi inay isku bedesho dagaal dhexmara labada maleeshiyo beeleed oo xiisada u dhexeeysa, iyadoo dadka ay dareemayaan cabsi dagaal.

Dhinac kamid ah maleeshiyo beeleedka ayaa ka carooday in la aasay barkadihii biyaha ee ku yaallay tuulada Ood-la oo hoostagta degaanka Damalla-xagarre ee Gobolka Sanaag, sidoo kalena la burburiyey dhismayaal ay dad leeyihiin.

Colaadda labada dhinac oo soo noq-noqotay ayaa marar kala duwan sababtay dagaalo geystay khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac, isla markaana dhowr la isku dayay in la xaliyo Colaadaas, balse lagu guuldareystay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here