Wednesday, September 30, 2026
Home WARAR Xiisad Colaadeed Oo Maanta Ka Taagan Degaan Ka Tirsan Gobolka Sanaag Iyo...

Xiisad Colaadeed Oo Maanta Ka Taagan Degaan Ka Tirsan Gobolka Sanaag Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

0
652

Xiisad Colaadeed Oo Maanta Ka Taagan Degaan Ka Tirsan Gobolka Sanaag Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Xiisad Colaadeed oo u dhexeeysa laba maleeshiyo beeleed ayaa Maanta oo Jimco ah waxaa ay ka taagan tahay tuulo lagu magacaabo Ood-la oo hoostagta degaanka Damalla-xagarre ee Gobolka Sanaag.

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in gelinkii dambe ee shalay Maleeshiyaad hubeysan ay qabsadeen tuulada Ood-la, iyagoona aasay barkado ku yaallay tuulada, sidoo kalena burburiyey dhismayaal.
Xiisada taagan ayaa dadka deegaanka qaarkood sheegayaan in laga cabsi inay isku bedesho dagaal dhexmara labada maleeshiyo beeleed oo xiisada u dhexeeysa, iyadoo dadka ay dareemayaan cabsi dagaal.

Dhinac kamid ah maleeshiyo beeleedka ayaa ka carooday in la aasay barkadihii biyaha ee ku yaallay tuulada Ood-la oo hoostagta degaanka Damalla-xagarre ee Gobolka Sanaag, sidoo kalena la burburiyey dhismayaal ay dad leeyihiin.

Colaadda labada dhinac oo soo noq-noqotay ayaa marar kala duwan sababtay dagaalo geystay khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac, isla markaana dhowr la isku dayay in la xaliyo Colaadaas, balse lagu guuldareystay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here