Shirka Golaha Wadatashiga Qaran Oo La Filayo Inuu Maanta Ka Furmo Muqdisho

0
345

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran Oo La Filayo Inuu Maanta Ka Furmo Muqdisho

Waxaa la filayaa in manta magaalada Muqdisho uu si toos ah uga furmo Shirka Golaha Wadatashiga Qaran, kaasi oo horay uga dib dhacay waqtigii loo qabtay, kadib khilaafyo iyo is faham waa soo kala dhex-galay Rooble iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedyada Koofur Galbeed Soomaaliya, Cabdi Casiis Xasan Maxamed lafta-gareen.

Shirka Maanta la filayo inuu  furmo ayaa waxaa diiradda lagus aari doonaa Qodobbo dhowr ah, waxaana ka qayb galaya dhammaan xubnihii horay ugu ballansanaa.

Waxaana shirka horay u iclaamiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mxaamed Xuseen Rooble, iyadoo Muqdisho ay xaadir ku yihiin dhinacyadii ka qayb galayay shirka.

Shirka oo aan ilaa iyo hadda si rasmi ah loogu dhawaaqin saacadda uu bilaaban doono iyo goorta lasoo afjari doono, ayaa waxaa lagu faaqidi doonaa Qodobbo ay ugu waa weyn yihiin:

1- Amniga guud ee dalka

2- Sixitaanka habraaca doorashooyinka

3- in waqti cayiman lagu soo gabagabeeyo doorashada Golaha Shacabka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here