DEG DEG:-Dagaal Culus Oo Ka Socda Duleedka Magaalada Baladweyne

0
354

Wararka aan ka heleyno duleedka Waqooyi ee Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaas uu ka socdo dagaal u dhexeeya Ciidanka Maamulka Hirshabeelle iyo Ciidamo uu wato Sarkaal lagu magacaabo Nuur Dheere.

Dagaalkaan ayaa ka bilowday ka gadaal markii Ciidamo ka tirsan Hirshabeelle ay weerar ku qaadeen Saldhig uu degaanka qowlad oo dhinaca waqooyi ka xiga Baladweyne ku leeyahay Sarkaalka Nuur Dheere oo habeeno kahor dagaal looga saaray Magaaladaas.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa waxaa ay ku warrameen in dagaalka socda uu yahay mid xoogan, isla markaana la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan, in kastoo aysan sheegi karin inuu jiro khasaaro ka dhashay dagaalka.

HomeWarar
DEG DEG:-Dagaal Culus Oo Ka Socda Duleedka Magaalada Baladweyne
On Jan 2, 2022 Last updated Jan 2, 2022

Share
Wararka aan ka heleyno duleedka Waqooyi ee Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaas uu ka socdo dagaal u dhexeeya Ciidanka Maamulka Hirshabeelle iyo Ciidamo uu wato Sarkaal lagu magacaabo Nuur Dheere.

Dagaalkaan ayaa ka bilowday ka gadaal markii Ciidamo ka tirsan Hirshabeelle ay weerar ku qaadeen Saldhig uu degaanka qowlad oo dhinaca waqooyi ka xiga Baladweyne ku leeyahay Sarkaalka Nuur Dheere oo habeeno kahor dagaal looga saaray Magaaladaas.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa waxaa ay ku warrameen in dagaalka socda uu yahay mid xoogan, isla markaana la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan, in kastoo aysan sheegi karin inuu jiro khasaaro ka dhashay dagaalka.

RELATED POSTS
Faah Faahin: Ciidamo Ka Tirsan DANAB Oo Qarax Lala Beegsaday Iyo Khasaaro Ka Dhashay

Jan 2, 2022
Kim Jong-Un Oo Ka Dhawaajiyay In Dalkiisa Uu U Dhexeeyo Nolol Iyo Geeri

Jan 2, 2022
Dhageyso:-Warka Subaxnimo Ee Radio Dalsan 02-01-2022

Jan 2, 2022
Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka u dheexeya Ciidanka Hirshabeelle gaar ahaan kuwa ka howlgala Hiiraan iyo Ciidanka uu wato Sarkaalka Nuur Dheere oo lagu eedeeyay inay habeeno kahor weerareen kolonyo galbineysay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan.

Dagaal labada dhinac ku dhexmaray habeenkii Jimcaha Baladweyne ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana inta la xaqiijiyay dagaalkaas ku dhintay shan ruux oo dhinayadii dagaalamay ah.

Dagaalka ka socda deegaanka qowlad ee duleedka Baladweyne ayaa kusoo aadaya, xili shalay Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan Cali jeyte Cismaan uu ku dhawaaqay howlagl ka dhan ah dadka kasoo horjeeda Maamulka Hirshabeelle ee ku sugan halkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here