Haayada Nabadsigada Iyo Sirdoonka Somaliya Oo Ka Soo Jawaab Celisay Amarkii Wasiirka Amniga Ee Xaalada Mukhtaar Roobaw

0
377

Haayada Nabadsigada Iyo Sirdoonka Somaliya Oo Ka Soo Jawaab Celisay Amarkii Wasiirka Amniga Ee Xaalada Mukhtaar Roobaw

Iyadoo Wasiirka Amniga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi maxamed Nuur uu dalbaday , warbixin ku saabsanayd ku saabsaneyd xaalada Mukhtaar Roobow, ayaaa waxaa arrintaasi ka  jawaabay  Taliska Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka,oo markii hore laga dalbaday warbixin dhammeystiran.

Warqad uu ku saxiixnaa Kusimaha Taliyaha NISA Yaasiin Farey ayaa lagu sheegay in xaalada caafimaad ee Mukhtaar Roobow ay wanaagsan tahay, isla markaana uu leeyahay dhaqaatiir si joogto ah ula socota xaaladiisa caafimaad, waa Arday dhigta Jaamacad heerka labaad ee Master Degree, xiriir joogtana la leh Macalimiintiisa.

“Mukhtaar Roobow noloshiisa waxaa bil walba NISA uga baxda 7,000 oo dollar si loo maareeyo noloshiisa iyo midka qoyskiisa, maadaama uu xubin ka noqday Al-Shabaab, isla markaana uusan buuxin shuruudaha soo dhiibaha loo dejiyay inuu waajib ka saaran yahay amnigiisa” ayaa lagu yiri Warka qoraalka.

Horay Muqtaar Rooboe oo Warbaahinta ula hadlay ayaa waxaa uu sheegay in uu xaalad xun ku sugan yahay, sidoo kalena waxaa xusid mudan in bannaanbaxyo waa weyn ay ka dhaceen Baydhabo, kadib markii shacab caraysan oo ka xun xarigga Roobow ay isugu soo baxeen Magaalada.

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay NISA

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here