Ra’iisul Wasaare Rooble Oo War Kasoo Saaray Shaqo Ka Joojinta Lagu Sameeyay

0
299

Ra’iisul Wasaare Rooble Oo War Kasoo Saaray Shaqo Ka Joojinta Lagu Sameeyay

Tan iyo markii xalay Saq dhexe uu madaxweynaha mudda xileedkiisu dhammaaday Maxamed cabdullaahi Maxamed Farmaajo uu soo saaaray qoraal uu ku sheegay in shaqadii uu ka joojiyay RW Rooble ayaa waxaa arrintaasi markii ugu horreysay ka hadlay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka maxamed Xuseen Rooble.

Qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska Rooble ayaa waxaa looga jawaabay tallaabooyinkii is xig xigay ee uu qaaday farmaajo, kuwaasi oo ku aaddanaa shaqo ka joojin iyo Ciidankii saaka uu ku daabulay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in tallaabooyinka uu qaaday Farmaajo ay yihiin kuwo  baal marsan dastuurka iyo sharciyada dalka, mas’uuliyadda wixii ka dhashana uu isaga dusha saran doono.

“Warka ka soo baxay madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee khuseeya shaqada Ra’iisul Wasaaraha  iyo isku daygiisa in uu ciidan kula wareego xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, waa tallaabooyin baal marsan dastuurka iyo sharciyada dalka, mas’uuliyadda wixii ka dhashana waxaa qaadaya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo” ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay Xafiiska RW Rooble.

Sidoo kale Qoraalka ayaa  intaas ku daray in RW Rooble uu shaqooyinkiisa siiw adan doono, iyadoo uusan cidna kaga heybaysan doonin shaqooyinka qaran ee uu haya.

“Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidii caadiga ahayd u wataa shaqo maalmeedkiisii, waxaana ka go’an in uusan cidna uga heybeysan gudashada waajibaadkiisa Qaran, si uu dalka u gaarsiiyo doorasho horseedda in awoodda lagula kala wareego si nabad ah” ayaa lagu soo gaba-gabeeyay Qoraalka laga soo saaray xafiiska Rooble.

Xilaafka iyo hadalada baraha bulshada la isku marinayo eek a dhexeeya farmaajo iyo Rooble ayaa noqday kuwo Cirka isku sii shareeyay,waxaana Saaka farmaajo uu Ciidan dul dhigay xafiiska Rooble, kadib shaqa ka joojin uu sheegay in uu ku sameeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here