Farmaajo Oo Markii Ugu Horreysay Ka Hadlay Dagaalka Boosaaso

0
379

Farmaajo Oo Markii Ugu Horreysay Ka Hadlay Dagaalka Boosaaso

Dowladda Federaalka Soomamaliya ayaa markii ugu horreysay waxaa ay war rasmi ah kasoo saartay dagaalka ka socda Magaalada Boosaaso e xarunta Gobolka Bari, kaasi oo u dhexeeya Ciidanka Daraawiishta iyo kuwa PSF ta Puntland.

War qoraal ah oo kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweyne farmaajo uu ka tiiraanyaysan yahay shaqaaqada iyo dagaalka ka socda magaalada Boosaaso, kaas oo sababay dhimasho, dhaawac, burbur hantiyeed iyo barakac muwaadiniin aan waxba galabsan.

Qoraalka ayaa waxaa baaq loogu diray Odayaasha dhaqanka Puntland iyo isimada Puntland waxaa uu  ugu baaqay in si degdeg ah loo joojiyo gacan ka hadalka, lana abbaaro dhabbaha nabadda si loo helo xal waara.

Madaxweynaha Dowladda Muddo Xileedkeedu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Maxamed farmaajo ayaa sidoo kale waxaa uu tacsi u diray ehelada iyo qaraabada dadkii ku geeriyoodey shaqaaqadan laga maarmi karey, wuxuuna dadkii ku dhaawacmay Alle uga baryay inuu degdeg ugu booga dhayo.

Ugu dambeyntii Farmaajo ayaa waxaa uu dhiirrragaliyay dadaallada nabadaynta iyo wadahadalka ku dhisan ee ay wadaan isimada iyo dhaqanka Puntland ee u istaagay sidii loo joojin lahaa shaqaaqadan, looguna danayn lahaa xasilloonida deegaanka iyo danta bulshada reer Puntland.

Dagaalka ka socda Puntland gaar ahaan Boosaaso ayaa khasaaro badan dghaliyay, waxaana xalay jabtay,oo wax kama jiraan noqotay, Xabbad joojin shalay lagu dhawaaqay, iyadoo xalay ay labada dhinac is weerareen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here