Dagaal Culus Oo Mar Kale Dib Uga Qarxay Magaalada Boosaaso

0
378

Dagaal Culus Oo Mar Kale Dib Uga Qarxay Magaalada Boosaaso

Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa mar kale dib uga qarxay dagaal u dhexeeya dhinacyadii horay ugu dhawaaqay xabbad joojinta, iyadoo dhammaan dadaaladii iyo ballamihii la kala qaatay ay noqdeen waxkama jiraan, mar kalena ay dirirtu dib u billaabatay.

Xalay shacabka Boosaaso ayaa mar kale dib ugu laabatay xaaladihii ay maal mahaan dhex-maquuranayeen ee dagaalka, qaxa iyo kala cararka ahaa.

Waxaana si toos ah xalay u billaabatay xabbada, iyadoo labada dhinac ee shalay ku dhawaaqay Xabbad joojinta ay jabiyeen xabbad joojintii ay ku dhawaaqeen, waxaana Magaalada Qabsaday daryanka rasaas ay isku adeegsanyeen, Ciidan ka amar qaata madaxtooyada puntland iyo Ciidanka PSF ta ee uu hoggaamiyo Asad Diyaano.

Sawirro iyo Muuqaallo Xalay laga qabtay gudaha Boosaaso ayaa muujinaya dadka shacabka ah oo xalay saq barkii billaabay qax iyo kala carar, si ay u helaan gabbaad iyo meel ay kaga bad baadaan rasaasta habowga ah ee Guryahooda ku hoobanaysa.

Carruur, waayeel iyo haween ayaa xalay ka barakacay xaafadihii ay ku sugnaayeen, waxaana sidoo kale lasoo wariyay dhowr guri oo ay ku dhaweceen noocyo ka mdi ah hubabka culus ee ay isku adeegsanayaan labada dhinac.

Dagaalka ayaa saaka mar kale sii xoogaystay, waxaana xabbaddu ay ka holcaysaa xaafado ka mid ah Magaalada Boosaaso, gaar ahaan dhanka ay Magaalda ka joogaan Ciidanka PSF ta.

Hadda wararkii ugu dambeeyay ee aynu saaka helayno ayaa tilmaamaya in wali dagaalku socdo, sidoo kale lama xaqiijin karo khasaaraha iyo dhaawac ka dhashay dagaalka,waxaana adag in la ogaado Tirada rasmiga ah ee waxyeeladu soo gaartay, maaddama wali dagaalku socdo ayna dhinacyadu waxba iskula harin.

Wixii kusoo kordha halkaan kala soco

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here