Home WARAR Qaxooti Kasoo Cararay Colaado Daba-Dheeraaday Oo Lagu Soo Dhaweeyay Puntland

Qaxooti Kasoo Cararay Colaado Daba-Dheeraaday Oo Lagu Soo Dhaweeyay Puntland

0
506

Qaxooti Kasoo Cararay Colaado Daba-Dheeraaday Oo Lagu Soo Dhaweeyay Puntland

Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa saacadihii lasoo dhaafay gaaray qoysas farabadan oo kasoo cararay Colaadaha daba-dheeraaday ee ka jira dalka Yemen, kuwaasi oo soo dhaweyn loo sameeyay.

Qoysaska Qaxootiga ah oo isugu jiray Soomaali iyo Yemeniyiin ayaa waxaa Dekadda Boosaaso kusoo dhaweeyay Masโ€™uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha gudaha dowlad Goboleedka Puntland, waxaana qoysaska ay u badan yihiin haween iyo Carruur.

Qaxootiga oo tirro ahaan gaaraya 98 Qoys ayaa waxaa Dekadda Boosaaso looga daabulay gaadiid, isla markaana waxaa la geeyay Xarun Puntland ugu tala-gashay in la dejiyo qaxootiga kasoo cararaya Colaadaha daba-dheeraaday ee ka jira dalka Yemen.

Masโ€™uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland ayaa sheegay in qaxootiga Xarunta la geeyay lagu lagu siiyay adeegyo ay ka mid yihiin Cunto bisil, biyo iyo adeegyo Caafimaad oo Deg-deg ah.

Muddooyinkii u dambeeyay ayaa waxaa gudaha Puntland gaar ahaan Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ku qul-qulayay Qaxooti isugu jiray Soomaali iyo Yemeniyiin, kuwaasi oo ay Puntland u saameysay dib u dejin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here