Dad Soomaali Ah Oo Laga Helay Xanuunka Nooca Cusub Ee Omicron

0
554

Dad Soomaali Ah Oo Laga Helay Xanuunka Nooca Cusub Ee Omicron

Nin Somali oo 23 jir ah iyo Haweeney 24 jir ah ayaa la shaaciyey in laga helay Xanuunka nooca cusub Coronavirus ee Omicro, xilli ay ka degeen Garoonka Diyaaradaha ee Rajiv Gandhi International Airport ee magaalladda Hyderabad ee dalka Hindiya.

Agaasimaha Caafimaadka ee Magaaladda Telangana ee dalkaasi, Dr. G Srinivasa Rao ayaa sheegay in Labada qof ee Rakaabka ee ka kala yimid Somalia iyo Kenya laga helay nooca cusub ee COVID-19 bishan December 12-dii, kadib, markii ay ka soo degeen Garoonka Diyaaradaha ee Hyderabad.

Waxa uu intaasi ku daray in Baaritaano laga qaaday labadaasi qof, iyadoo muunada (Samples) loo diray Machadka Cilmiga Daaweynta ee The  Telangana Institute of Medical Sciences (TIMS), iyadoo la Karantiilay Labada qof iyo dadkii kale ee ay la xiriireen.

Nooca coronavirus ee Omicron ayaa dunida ugu faafaya si xowli ah, waxaa sidaas digniin ay soo saartay ku sheegtay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO. Kiisaska noocan aadka u faafa ayaa lagu arkay ilaa 77 dal.

Nooca Omicron ayaa bishii November markii ugu horreysay laga helay Koofur Afrika, dalkaas ayaana kaddib la kulmay koror dhanka tirada dadka uu soo ridanayo ah. Madaxweyne Cyril Ramaphosa ayaa laga helay xanuunka Covid-19, waxaana haatan isbitaalka looga daweynayaa calaamadaha xanuunka oo aan sidaas u darneyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here