LAASCANOOD : Rag hubeysan Oo weerar ku qaadey Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Somaliland

0
316

LAASCANOOD : Rag hubeysan Oo weerar ku qaadey Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Somaliland

Wararka aan ka heleyno Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay rag hubeysan ay weerar ku qaadeen Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Somaliland oo ku sugnaa gudaha Magaaladaas.

Weerarka kadib ayaa waxaa iska horimaad kooban uu dhexmaray Ciidanka Booliska Somaliland iyo dableyda hubeysan ee weerarka soo qaaday, iyada oo laga malqayey dhawaqa rasaast labada dhinac ay isdhaafsanayeen.

Qaar kamid ah dadka deegaanka Laascaanood ayaa waxaa ay ku warrameen mar qura saqdii dhexe ee xalay kusoo tooseen rasaas ka dhaceysay agagaarka Saldhiga iyo xaafaddo kale oo ka tirsan Magaalada, wallow markii dambe istgaatay oo xaaladda si caadi ah kusoo laabatay.

Laamaha amniga Somaliland ee Laascaanood ayaan weli ka hadlin weerarkii ragga hubeysan ku qaadeen Magaaladaas, lamana oga inuu khasaaro ka dhashay, waxaana warar la helayo ay sheegayaan in Ciidanka Booliska ay wadaan howlgalo lagu xaqiijinayo amniga.

Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa waxaa horey uga dhacay weeraro iyo dilal qorsheysan, iyadoona Somaliland ku eedeysay falalkii dhacay dad kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya, isal markaana ka soo masaafuriyey halkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here